Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay dooratay tababarihii u beddeli lahaa Erik ten Hag oo uu maamulka cusub ee kooxda ee uu hoggaaminayo Sir Jim Ratcliffe ay ka biyo diidsan yihiin sida uu kooxda u maamulayo iyo natiijooyinka ay ka keenayaan garoomada intaba.
Sir Jim Ratcliffe ayaa waxa uu rumaysan yahay, in Manchester United ay haysato ciyaartooyo badan oo ku filan inay guulo ka keenaan garoomada, isla markaana la tartamaan Man City, Liverpool iyo Arsenal balse ay dhibaatadu ka jirto dhinaca tababaraha oo aan gaadhsiisnayn heerkii uu ku maamuli lahaa kooxda heerkan oo kale ah.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Ben Jacobs, Manchester United ayaa waxa ay kala dooranaysaa tababareyaal dhawr ah, laakiin Sir Jim Ratcliffe ayaa waxa uu doorbidayaa Zinedine Zidane oo uu u arko inuu yahay shaqsiga ugu habboon.
Warka ayaa intaa ku daray, in maamulka Man United ay u arkaan Zinedine Zidane inuu magac weyn yahay ciyaartoyda kooxda oo dhamaantood ay ka haybadaysan doonaan, sidaas daraadeedna ay fududaan doonto inay natiijooyin fiican ka keenaan garoomada.
Inkasta oo Man United lala xidhiidhinayo Ruben Amorim iyo Graham Potter, haddana wariye Ben Jacobs waxa uu sheegayaa in Sir Jim Ratcliffe uu rumaysan yahay in Zidane uu guulo degdeg ah gaadhsiin doono kooxda, sidii uu ka sameeyey Real Madrid sannadkii 2016 oo uu saddex Champions League oo isku xiga u qaaday.
Dhinaca kale, Erik ten Hag oo uu badhxan yahay rikoodhkiisa Manchester United ayaa waxa saaran cadaadis badan, waxaana laba guul-darro oo xaaladdiisa xumeeyey uu kala kulmay Fulham iyo Manchester City, ka hor intii aanay saddex dhibcood ka qaadanin Everton Sabtidii shalay.
Ten Hag ayaa waxa uu Manchester United hoggaamiyey 65 kulan oo horyaalka Premier League ah, waxaanay guuleysteen 37 ka mid ah, siddeed barbarro ah iyo 20 laga badiyey. Waxa muddadaas ay dhalisay Manchester United 95 gool, halka iyagana laga dhaliyey 82 gool, laakiin saddex jeer ayuu qaatay tababaraha bisha ee Premier League.