Taageerayaasha ayaa sharaxay micno ka danbeeya tilmaamtii uu gacanta ku sameeyay Ronald Araujo ka dib markii casaan la siiyay kulankii ay Barcelona guuldarada ka soo gaartay Paris Saint-Germain.
Daafaca ayaa casaan toos ah la siiyay ka dib markii uu qalad ku galay Bradley Barcola oo goolka u furnaa daqiiqadii 29aad ee ciyaarta.
Casaankiisa ayaa wado u noqday PSG oo markaas ka dib goolal ku xaaqday Barcelona iyagoo kulankii xalay ku garaacay 4-1, wadar ahaana labada lug uga badiyay 6-4.
Araujo ayaa ka careysnaa casaanka, wuxuuna sharaxaad ka dalbaday garsoore Istvan Kovacs laakiin VAR ayaa xaqiijisay in casaanka uu sax ahaa madaama Barcola uu heystay fursad gooldhalin markii uu jalaafeeyay Araujo.
Daafaca ayaa tilmaam ku sameeyay gacantiisa iyo farahiisa markii uu ka sii baxayay garoonka taasoo keentay in la isweydiiyo micnaha ka danbeeya.
Nasiib wanaag taageerayaasha kubada cagta ee garanaya dhaqanka South America ayaa sharaxay micnaha ka danbeeya tilmaamta uu bixiyay Araujo.
“Waa tilmaam caanka ah South America oo lagu qeexo xatooyada” ayuu soo qoray taageere. Araujo waxa uu u dhashay dalka Uruguay.
Tilmaamtaan ayaa sidoo kale caan ka ah Spain, Italy iyo Portugal.
Araujo ayaa tilmaamay in kooxdiisa la dhacay ka dib casaankii la siiyay isagoo xadooyada ku eedeynayay garsooraha.
Xavi iyo xubin kale oo ka tirsan shaqaalaha tababaraha ayaa iyagana markii danbe casaan la siiyay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Barcelona ay ku kufto Yurub. Waxay caan ku yihiin in Liverpool 3-0 uga badiyeen lugtii hore 2019kii ka hor inta aan 4-0 looga badinin Anfield.