Mia Khalifa, oo 31 jir ah, horeyna u ahaan jirtay aktarad ka shaqeysa aflaanta anshax darada ah, ayaa beenisay wararka xanta ah ee la xiriirinaya ciyaaryahan Atlético Madrid ee Julián Álvarez.
Khalifa ayaa ka hadashay wararka la isla dhexmarayo ee lagu soo qoray bogga X (Twitter-ka), iyadoo tiri: “Si aan wax u caddeeyo, anigu qofna lama haasaawo, haddii aan ahaan lahaa qof noocaas ah, hubaal ma noqon laheyn qof ka shaqeeya shaqooyinka xun xun oo ay ula jeeday (filimada anshax xumada ah)
Khalifa ayaa hore u muujisay jacaylka ay u qabto kubbadda cagta, balse waxay beenisay xiriir inuu kala dhaxeeyo weeraryahanka reer Argentine.
Haweeneydaan caanka ab ee Mia Khaliifa waxaa la guursaday laba jeer, oo markii ugu horreysay ay aheyd sannadkii 2011-kii.
Julián Álvarez, ayaa dhanka kale, wuxuu xiriir dheer la leeyahay gabadha lagu magcaabo María Emilia Ferrero, oo uu yaqaanay tan iyo carruurnimadiisii,
Lamaanuhu waxay wada socdeen muddo shan sano ah., María, oo hore u ciyaari jirtay ciyaaraha xeegada, ayaa xiriir adag la leh xiddigii hore ee Man City ee Álvarez.
Wararka xanta ee la xiriirinaya ciyaaryahanka reer Argentina Mia Khalifa ayaa hadda meesha ka bixi doona kadib markii ay soo hadashay gabdhaan caanka ku ah filimada anshax xunada ah.