Mesut Ozil ayaa ku maadeystay Atletico Madrid ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in kaadh buluug ah lagu soo kordhinayo kubada cagta.
Xilli ciyaareedka soo socda waxaa la bilaabi doonaa tijaabada isticmaalka kaadhka buluug ah oo la siin doono ciyaartoyda qaladaadka qaar gasha sida inay maaliyadaha jiidaan ama garsooraha ku qeyliyaan iyadoo markaas uu ciyaaryahanka ciyaarta ka baxayo muddo 10 daqiiqo ah.
FIFA ayaa sheegtay in horyaalada waa weyn ee kubada cagta inaan laga hirgelin doonin kaadhkaan buluuga ah balse lagu tijaabin doono horyaalada yaryar ka hor inta aan si rasmi ah loo dhaqan gelin.
Kaadhkaan buluuga ah waxaa la siinayaa qalad ka weyn midka jaalaha kana yar casaan, iyadoo ciyaaryahankii qaata uu 10 daqiiqo ciyaarta ka fariisanayo.
Xiddigii hore ee Real Madrid Mesut Ozil ayaa ka falceliyay warkaan isagoo ku maadeystay Atletico Madrid oo looga bartay inay ciyaaraan kubad dagaal ah, wuxuuna Twitter ku soo qoray: “Atletico Madrid ma waxay ku ciyaari doontaa kaliya lix ciyaaryahan?” isagoo kala jeeda in ciyaartoydooda ay kaadhka buluuga xaabsan doonaan.
Fekrada ka danbeysa kaadhkaan buluuga ah ayaa ah in lagu yareeyo qaladaadka ku talogal ah sida mid lagu horjoogsanayo gooldhalin iyadoo ciyaaryahanka uu ku fekerayo inuu kaliya jaale qaadanayo sidii dhacday markii Chiellini uu maaliyada ka jiiday Bukayo Saka finalka Euro 2020.