Xulka qaranka Argentina ayaa markale isha ku haaya inay ka faa’iideystaan hogaaminta dhiirigalinta leh ee Lionel Messi iyaga oo u gudbaya wareega danbe ee Copa America 2024.
Xirfaddlaha caalamiga ah ee Messi ayaa sameeyay isbedel cajiib ah tan iyo 2021, ka dib markii uu kooxda Lionel Scaloni ku hogaamiyay koobkii ugu horreeyay ee Copa America tan iyo 1993, ka hor inta uusan ku hormar fiican sameenin oo uu ku guuleysanin Koobka Adduunka 2022 ee Qatar.
Weeraryahanka Inter Miami ayaa sii ahaan doona xudunta Argentina, inkastoo uu 37 jirsaday balse wuxuu u muuqda mid horyaal kale u qaadaya dalkiisa.
Waxaa la isla dhexmarayaa in Messi uu gaari doono yoolkiisa ah inuu ka ciyaaro Koobka Adduunka ee FIFA 2026, laakiin 2024 ayaa la hubaa inuu noqon doono Copa America kiisi ugu dambeeyay, wuxuuna raadinaya dhamaad fiican.
Lionel Messi ayaa jabiyay rikooro is daba joog ah isaga oo Argentina ku hogaamiyay finalkii 7-aad ee Copa America.
Sidoo kale Messi ayaa Argentina geeyay finalkii 8aad ee tartamo caalamk ah.
Argentina ayaa 2-0 uga badisay Canada ciyaartii semi-finalka oo ka dhacday New Jersey, Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 14-aad ee Copa America isaga oo bar-bareeyay xiddiga Peru Paolo Guerrero iyo ciyaaryahanka Chile ee Eduardo Vargas.
Lionel Messi ayaa sidoo kale soo galay kaalinta labaad ee liiska gooldhalinta caalamiga ah ee abid.
Wuxuu a dhaliyay Goolkiisii 109-aad, xiddigii hore ee Barcelona ayaa dhaafay xiddiga Iran Ali Daei.
37 jirkaan ayaa hadda kaliya ka dambeeya Cristiano Ronaldo, kaasoo ku hogaaminaya 130 gool ee ciyaaraha caalamiga ah.
Messi ayaa dhaliyay 28 gool 25-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu u ciyaaray xulka Argentina.