Xiddiga Argentina Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday inuu qorsheynayo inuu sii wato ciyaaraha caalamiga ah iyadoo Angel Di Maria uu xaqiijiyay in finalka Copa America ee Axadda uu noqon doono midkiisii ugu dambeeyay ee uu matalo xulkiisa.
Xulka heysata Copa America ayaa wajihi doonta Colombia ama Uruguay midkood finalka Axada ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Talaadadii Canada.
Ciyaaryahanka Manchester City ee Julian Alvarez ayaa daah furay goolasha, ka hor inta uusan Messi dhalin goolkiisii ugu horeeyay ee tartanka.
Kaliya maaha inuu ka caawiyay Argentina inay horumarto, laakiin Messi ayaa sidoo kale noqday ciyaaryahanka labaad ee ugu goolasha badan heerka caalami ee abid.
Messi, oo haatan dhaliyay 109 gool oo caalami ah, ayaa haatan isha ku haaya inuu safto markiisii shanaad ee finalka Copa America.
Isaga oo 37 jir ah, Messi waxa uu ka warqabaa in waayihiisii ciyaareed ay dhammaanayaan, laakiin weli waxa uu wadaa qorshayaal uu ku sii wadi doono wixii ka dambeeya finalka Axadda ee Miami.
Isagoo hadlaayay ka dib guushii Canada, Messi ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Sida aan sheegay, waxaan isku dayi doonaa inaan sii wado ciyaarista.
Waxaan isku dayi doona inaan noolaado oo aan ku raaxaysto maalin maalmeedka anigoo ka fekerin waxa mustaqbalka iman doona ama inaan sii wadi doono iyo in kale.
Hadda waxaan noqday 37 jir, waxa dhici karana Ilaahay uun baa og.” Ayuu yiri Messi.
Waa la arki doonaa haddii Messi uu doonayo inuu u sii ciyaaro dalkiisa ilaa Koobka Adduunka ee soo socda ee lagu qaban doono USA, Canada iyo Mexico sanada 2026ka.
Messi waxa uu diiradda saari doonaa sidii uu dalkiisa ugula guuleysan lahaa tartankii saddexaad oo xiriir ah ka dib markii uu u qaaday Copa America 2021 iyo Koobka Adduunka ee 2022.
Sanadkii hore, Di Maria ayaa shaaca ka qaaday inuu ka fariisan doono ciyaaraha caalamiga ah ka dib Copa America, waxaana uu haatan xaqiijiyay in finalka axada ay noqon doonto markii ugu dambeysay ee uu matalo xulkiisa.
“Waa dagaalkeygii ugu dambeeyay,” ayuu yiri Di Maria.
“Ma jiraan wax haray oo aan ku idhaahdo marar badan ayaan hore u sheegay.
Waa ciyaarteydii ugu dambeysay. Waa inaan u mahadceliyaa dhammaan reer Argentina iyo jiilkan ii oggolaaday inaan koobab badan kor u qaado.
“Wax walba waan siiyay. Mar walba naftayda ayaan u huray maaliyaddan.” ayuu sii raaciyay Di Maria.
Di Maria waa ciyaaryahanka labaad ee ugu safashada badan Argentina taariikhda Copa America ka dib markii uu saftay kulankiisii 27aad ee semi-finalka Talaadadii.
Weeraryahankan oo kulankiisii ugu horeeyay u saftay xulkiisa bishii September 2008dii ayaa u saftay xulkiisa 144 kulan isaga oo u dhaliyay 31 gool sidoo kale caawiye ka noqday 32 kale.