Kooxda kubadda cagta Manchester United waxa ay shalay kasoo horjeedsatay sharci cusub oo ay u codeeyeen kooxaha horyaalka Premier League oo dhigaya, in la jaan-gooyo lacagta ay kharash garayn karayaan kooxuhu, sidoo kalena la xaddido mushaharka ugu badan ee ay naadiyadu siin karayaan ciyaartoyda.
Kooxaha Premeir League ayaa ansixiyey oo cod duuduub ah ku meel-mariyey hindisaha sharcigan oo ay doonayaan inuu dhaqan-galo laga bilaabo xilli-ciyaareedak 2025/26, kaas oo ay u arkayaan in uu naadiyada ka horjoogsanayo inay ku dhacaan sharciga dhaqaalaha.
Shirweynaha Premier League ee bisha June ayaa lasoo hordhigi doonaa hindise sharciyeedkan, waxaana haddii la ansixiyo uu dabar ku noqon doonaa koooxaha lacagaha waallida ah ee ay mulkiileyaashu bixinayaan ku karash gareeya ciyaartoyda.
Manchester United ayaa ka mid ahayd saddex kooxood oo diiday hindise sharciyeedkan oo sidoo kalena ay kasoo horjeedsadeen Aston Villa iyo Manchester City, halka Chelsea ay ka aamustay oo aanay u codaynin.
Waxa la rumaysan yahay in Manchester United ay u aragto in aanay caddaalad ahayn in dhaqaalaha badan ee ay iyadu soo xarayso lagu xakameeyo, iyadoo loo eegayo dakhliga naadiyada kale ee hooseeya.
Manchester City ayaa waxa ay iyaduna ka walaacsan tahay, in sharcigani uu sababi karayo in naadiyada dhaqaalaha haysta ay la tartami kari waayaan kooxaha waaweyn ee reer Yurub ee dhaqaalaha haysta sida Real Madrid.
Manchester United oo tobankii sannadood ee ugu dambeeyey ciyaartooyo cusub ku kharash garaysay lacag ka badan £1.5 bilyan oo Gini, ayaa waxa ay rumaysan tahay in sharcigani uu u diidi doono inay saxeexyo waaweyn sameeyaan.