Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino ayaa u hambalyeeyay Donald Trump oo kusoo laabtay xilka madaxweynaha Mareykanka.
Trump ayaa lagu dhawaaqay guushiisa kadib markii Kamala Harris oo dimuqraadiga uu la tartamay.
Koobka Adduunka 2026 waxaa martigelin doona Mareykanka, Canada iyo Mexico, iyadoo koobka uu ku laabanayo Waqooyiga Ameerika markii ugu horreysay tan iyo 1994.
Infantino oo la kulmay Trump dhowr jeer wuxuu kala hadlay wax ku saabsan Koobka Adduunka, sidoo kale wuxuu kala sheekeystay furitaanka xarunta FIFA ee USA – taasoo oo la aasaasay 2023.
‘Hambalyo Mudane Madaxweyne!’ Infantino ayaa bartiisa Instagram-ka ku soo qoray kadib markii la shaaciyay guusha Donald Trump.
Waxaan ku yeelan doonnaa Koobka Adduunka ee FIFA kaalin weyn ayuu yiri madaxweynaha talada kusoo laabtay ee Mareykanka.
Koobka Adduunka ee 2026 ayaa isbedel badan oo ka duwa qaab loo ciyaari jiray lagu arki doonaa, iyadoo tirada ka qeyb galayaasha la kordhiyay.
In markale la doortay Donald Trump ayaa si gaar ah waxaa ugu farxay madaxweynaha FIFA oo ay hore kaga wada hadleen wax badan oo ku saabsan koobka dunida ee 2026.