Kooxda kubadda cagta Liverpool ayay ciyaartoydeedu tababarkii ugu dambeeyey maanta ku qaateen garoonka tababarka AXA Training Centre ka hor inta aanay u safrin magaalada London oo ay berri kula soo ciyaarayaan Arsenal wareegga saddexaad ee FA Cup.
Jurgen Kloppayay kooxdiisu u dagaallami doontaa inay guul keento si ay sannadka cusub ugu sugnaadaan dabbaal-degyo maadaama ay sidoo kalena ku naaloonayaan hoggaanka horyaalka Premier League iyo tartanka Carabao Cup oo ay semi-finalka la ciyaari doonaan Fulham.
Reds oo ku jirta dhamaan tartamada ay ka qayb-gashay xilli-ciyaareedkan, waxa ay u dagaallamaysaa afar koob, balse ka hor inta aanay u duulin London waxa maanta garoonka tababarka ee AXA Training Centre uu ahaa mid ka duwan sidii hore.
Waxa ciyaartoyda Liverpool aan la goojin Mohamed Salah iyo Wataru Endo oo u safray waddamadooda oo ay kaga qayb-gelayaan tartamada AFCON iyo Asian Cup, laakiin waxa kale oo joogay laba ciyaartoy oo amaah kasoo noqday oo midkood uu ciyaari karayo kulankan.
Difaaca bidix ee Owen Beck oo ay Liverpool kala soo noqotay Dundee FC si uu ugu buuxiyo boosaska difaaca ee ay ka maqan yihiin Kostas Tsimikas iyo Andy Robertson, laakiin la sheegay in uu ganaaxan yahay iyo Nat Phillips oo uu tababare Jurgen Klopp seegay inuu la joogayo kooxda illaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Waxa kale oo tababarka joogay ciyaartooyo da’yar ah oo fursad u haysta inay dheelaan kulanka Arsenal, sida Conor Bradley, Luke Chambers, Bobby Clark iyo James McConnell. Waxa kale oo joogay Kaide Gordon oo ay da’diisu tahay 19 jir oo kusoo bilowday ciyaartii semi-finalka Carabao Cup ee Arsenal iyo Liverpool ee 2022.
Farxadda uguweyn ee ka jirtay garoonka tababarka Liverpool maanta ayaa ahaa in uu kusoo laabtay difaaca bidix ee Andy Robertson oo kasoo kabanaya dhaawac jabniin ah oo kasoo gaadhay garabka bishii October, kaas oo sababay in qalliin lagu sameeyo.
29 jirkan ayaa dhamaystay taabarka, laakiin waxa uu u baahanayaa waqti kale oo dheeraad ah oo uu tababarka kusoo sameeyo, isla markaana si buuxda ugu soo kabto.