Tartanka Qaramada Afrika ayaa waxa maanta iyo caawa laga diiwaangeliyey natiijooyin waaweyn iyadoo dalka kaliya ee Bariga Afrika ah ee ka qayb-gelaya tartankaas ay la kulmeen natiijo qalbi-jab ah oo ay si rasmi ah uga hadheen tartanka.
Tanzania oo u baahnayd inay guuleysato si ay usoo baxo, ayaa waxa ay barbarro goolal la’aan ah la gashay Jamhuuriyadda Dimuquraadda Congo oo kaliya saddex dhibcood kusoo gudubtay, iyadoo Morocco ay tahay kooxda aan marna laga badinin ee durdurada kaga soo gudubtay Group F.
Afarta xul ee Morocco, DR Congo, Tanzaniga iyo Zambia ayaa ku wada jiray Group F, waxaana dalalkooda ku taabtay Tanzania iyo Zambia, halka Morocco iyo DR Congo ay sii joogayaan waddanka Ivory Coast ee uu tartanku ka socdo.
Dhinaca kale, dalka dhawrka jeer ku guuleystay tartanka Qaramada Afrika ee Tunisia ayaa ku hadhay wareegga koowaad ee Group-yada, kaddib markii Mali iyo Koonfur Afrika ay kasoo baxeen Group E, kaas oo Tunisia ay ka noqotay waddanka ugu dhibcaha hoosaysay.
Group E oo ay ku wada jireen Mali, Koonfur Afrika, Tunisia iyo Namibia, ayaa waxa kaalinta koowaad kusoo gudubtay Mali oo haysata 5 dhibcood, halka labaad ay kusoo gudubtay Koonfur Afrika oo min afar dhibcood ay haystaan Namibia balse farqiga goolasha kaga sare martay.
Tunisia iyo Namibia ayaa tartanka macasaleemeeyey oo dib ugu laaban doona waddamadooda, halka Mali iyo Koonfur Afrika ay sii joogi doonaan Ivory Coast.