Tababarihii hore ee England ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee ajnabi ah ee hogaamiya xulka qaranka ragga.
Waxa uu saddexdii libaax soo maamulay saddex tartan oo waaweyn intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2006, waxaanu qaranka ku hogaamiyay saddex tartan oo afar dhamaadka ah.
Iswiidhishka ayaa horaantii sanadka ku dhawaaqay in “sida ugu fiican” uu hal sano uga haray inuu noolaado ka dib markii laga helay kansar.
“Sven-Goran Eriksson waa dhintay,” qoyskiisa ayaa ku yiri bayaan ay soo saareen maanta.
“Xanuun dheer ka dib, Eriksson waxa uu ku dhintay subaxnimadii guriga isaga oo ay ku hareeraysan yihiin qoyskiisa.
“Dadka ugu dhow ee barooranaya waa gabdhaiisa Lina; wiilkiisa Johan oo dhashay xaaskiisa Amana iyo gabar ay ayeeyo u tahay oo lagu magacaabo Sky, aabe Sven saaxiibtiis Yanisette iyo wiilkeeda Alcides , walaal Lars Erik iyo xaaskiisa Jumnong. Ayaa lagu yidhi bayaanka kasoo baxay qoyska.
Intii uu ku guda jiray xirfadiisa maamuleed, oo ku saabsanayd 41 sano, Eriksson wuxuu soo maamulay 12 kooxood oo maxalli ah, oo ay ku jiraan Manchester City, Leicester City iyo Lazio.
Waxa uu Lazio kula guuleystay 18 koob oo ay ku jiraan 1999-90kii Seria A iyo Super Cup.
Mu gewriyoon ee wu bakhtiyay ama wu haligmay dheh . Muslinka geeriyoda wll qofki aan towxiidka ku dhiman wuu bakhtiyay .