Kulankii Austria iyo Turkey ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xamaasada badna abid ,iyadoo dadku ay soo jiiten bandhigyada ay sameeyen xiddigaha Turkiga.
Si cajiib leh ayeeba ciyaarta ku bilaaben Turkiga taasoo keentay in in ay hogaanka ku qabato hal daqiiqo gudaheed, weerar aan kala joogsi lahayn, badbaado mucjiso ah oo soo daahay iyo jawi farxadeed ayed ku dhameeyen wareega 16ka.
Turkiga ayaa xaqiijiyay inay u gudben wareega 8da waxayna ku dhaceen Netherlands oo habeenkii Sabtida ku ciyaari doonan Magaalada Berlin.
Dunidu waxay hadal heysa badbaadintii waalida ahayd ee uu sameeyay goolhaye Gunok.
Mert Gunok Goolhayaha Turkiga ayaa waqtigii dheeriga ahaa sameeyay badbaadin cajiib ah isagoo xulkiisa u xaqiijiyay u soo bixitaanka wareega 8da ee Euro 2024 kadib markii ay 2-1 ku garaaceen Austria wareega 16ka.
Kubad-joojiyaha ayaa ku qasbanaaday inuu feejignaan sare muujiyo iyadoo Christoph Baumgartner uu madax awood leh ku qabtay kubada ilbiriqsiyadii ugu dambeeyay ee ciyaarta.
Gunok ayaa faraha foodooda ku sameeyay badbaadinta isagoo kubada iskaga moosay dhanka midig.
Goolhaye ayaa intaas ka dib si waali ah u dabaal dagay iyadoo ay ku soo xoobmeen saaxiibadiis oo ogaaday inay xaqiijisteen booskooda sideed dhamaadka.
Badbaadinta ayaa dad badani ku ammaaneen inay tahay mid ka mid ah badbaadinta ugu wanaagsan abid.
Taageerayaal badan oo gudaha garoonka ku jiray ayaa aamini waayay in Gunok uu ku guuleystay inuu faraha ku badbaadiyo.
kubbada, sidoo kale ma aysan suuragelin kooxda faallooyinka ee Turkiga ee ciyaarta ku guda jirta.
Guusha Turkiga ayaa la macno ah in kooxda Montella ay xaqiijisteen u gudbida wareega 8-da ee tartanka, halkaas oo ay ku wajihi doonaan Netherlands.
Kooxda Ronald Koeman ayaa sidoo kale gaartay guul weyn maalintii ugu dambeysay ee 16-ka , iyagoo 3-0 ku garaacay Romania ciyaartii fiidnamadii xalay.
Si kastaba Netherland ayaa cabsi gashay maadamo xulka ay ku beegmeen ee Turkey uu soo bandhigay ciyaar waali ah, rajadoodana ay tahay mid hagaagsan.