Tababaraha kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Luis Enrique ayaa beeniyey wararka sheegaya in ciyaartoyda kooxdiisa ay hoos u dhacday ciyaartoodu kaddib niyad-jab ay ka qaadeen go’aankii uu gaadhay Kylian Mbappe oo kooxdiisa ku wargeliyey inuu ka tegayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan.
Paris Saint-Germain ayaa awoodi weyday inay ku qanciso Mbappe inuu sii joogo, waxaana uu soo afjari doonaa lix sannadood oo uu ka ciyaarayay garoonka Parc des Prince.
Luis Enrique oo la hadlayay saxaafadda ka hor ciyaarta Stade Rennais ee caawa, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya, in Mbappe ay ciyaartiisu hoos u dhacday sabab la xidhiidha go’aankii uu gaadhay, waxaana uu yidhi: “Anigu waxa isbeddel ah kuma arag ciyaartoydayda usbuucan, waxaase nagu soo socota oo noosoo dhow kulan muhiim ah, sababtoo ah waxa aanu doonaynaa in aanu caddayno in aanu nahay koox la tartamaysa koox kasta oo naga hor timaadda.
“Waxa aanu ku ciyaaraynaa taageereyaashayada hortooda, waxa aanu nahay koox u dagaallamaysa inay ku guuleysato koob walba, mana jiro ciyaartoy PSG ah oo ogolaanaya inuu raaxaysto.”