Cristiano Ronaldo iyo seddex ciyaaryahan oo Premier League ka ciyaarta ayaa ka tagay xerada xulka Portugal ka hor kulanka Croatia ee isbuucaan.
Xulka ku guulaystay koobka Euro 2016 ayaa xaqiijiyay in ay hogaanka u hayaan Group-kooda UEFA Nations League kadib markii ay 5-1 kaga badiyeen Poland.
Ronaldo ayaa laba gool dhaliyay halka Bruno Fernandes uu isna shabaqa soo taabtay kulankii xalay.
Ka hor kulanka isniinta, tababare Roberto Martinez ayaa fasaxay afar ka mid ah xiddigihiisa xulka qaranka Portugal oo kala ah Ronaldo, Pedro Neto, Bernardo Silva iyo Bruno Fernandes.
Martinez oo arintaan sharaxay ayaa ku sifeeyay inuu doonayo inuu ciyaartooy cusub oo da’yar ah uu siiyo fursad kulanka soo socda.
Tani waxay u noqon doontaa dhiirigelin weyn kooxaha Premier League ee Manchester City, Chelsea iyo Manchester United, oo ay weheliso Al-Nassr kuwaas oo soo dhaweyn doona xiddigahooda.