Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga waxa toddobaadkan soo gaadhay ceeb weyn kaddib markii uu garsoorihii hayey ciyaartii Real Madrid iyo Valencia ee Jesus Gil Manzano uu diiday gool ay dhaliyey Madrid ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyey ciyaarta, taas oo uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka iyadoo kubaddu kusii socota goolka.
Mateu Lahoz oo ka mid ahaa garsooreyaasha ugu wanaagsanaa taariikhda garsooreyaasha Spain oo xilli-ciyaareedkii hore ka fadhiistay shaqada ayaa waxa uu ka hadlay wixii dhacay ciyaartaas, waxaana uu ku tilmaamay fadeexad iyo magac-xumo usoo hoyatay kubadda cagta Spain.
Lahoz oo markii uu ka fadhiistay shaqada garsoorka go’aansaday inuu u tartamo madaxweynaha xidhiidhka garsooreyaasha Spain, ayaa waxa uu sheegay, in ay layaab ku noqotay, sida Jesus Gil Manzano oo ah garsoore toban sannadood soo hayey horyaalka heerka koowaad uu u samayn karayo qalad noocaas oo kale ah, iyadoo waliba uu xaaladda kusii kharribay casaan uu siiyey Jude Bellingham.
“Garsooreyaasha waxa ay aad ugu mashquulaan shirka CTA (Guddida Farsamada) marka loo eego kubadda cagta. Waxay isku dayaan inay raacaan hab-raacyada, waxaana aniga walaac igu haysa sida garsoore 11 sannadood oo khibrad ah u leh horyaalka oo nagu metelaya ciyaaraha qaramada Yurub ee soo socda uu u samayn karo qalad noocaas oo kale ah. Arrintu waa mid aragti ku qotonta.” Ayuu yidhi Mateu Lahoz.
Waxa uu intaa ku daray: “Waqtiyeynta qaybta hore ayaa sidoo kale ahayd wax kharriban.”
Mateu Lahoz oo u warramayay idaacadda Cadena Cope ayaa intaa raaciyey: “Wixii dhacay waxa ka dhashay falcelin badan. Shirka guddida farsamada ee Jimcaha ayaa aad loogaga doodi doonaa, haddiise aanu buuqani dhici lahayn waxa CTA ay odhan lahaayeen garsooreyaashu waxay ahaayeen kuwo caqli badan oo aad u wanaagsan.”
Waxa uu Lazo weeraray garsoore Gil Manzano isaga oo yidhi: “Waxa uu sameeyey qalad nidaamsan, aniga ahaanna waxa aan u arkaa inuu jaahil ka yahay ciyaaraha.”
Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa waxa ay rafcaan ka qaadatay kaadhkii casaanka ahaa ee uu garsoore Gil Manzano siiyey Jude Bellingham.