Manchester City waxay shalay ku tumatay deriskeeda Manchester United oo ay ku karbaashtay 3-1, iyadoo waliba goolka la hormartay Man United oo daqiiqaddii siddeedaad uu hoggaanka u dhiibay Marcus Rashford oo aamusiiyey sawaxankii Etihad Stadium.
Pep Guardiola oo ay kooxdiisu ogeyd in haddii ciyaartan laga badin lahaa ay afar dhibcood ka dambaynayaan Liverpool ayaa ka dagaallantay oo keentay saddex gool oo laba ka mid ah uu dhaliyey Phil Foden halka midka saddexaadna uu keenay Erling Haaland.
Andre Onana ayaa ahaa ciyaartoyga ugu fiicnaa xiddigaha Manchester United oo dhan, waxaana uu kubbado halis ahaa ka badbaadiyey Phil Foden iyo Erling Haaland, iyadoo weeraryahanka reer Norway uu khasaariyey kubbad gool loo filayey.
Murugada Manchester United waxa sii kordhiyey Sofyan Amrabat oo beddel kusoo galay ciyaarta oo kubbad loo dhiibay xajisan waayey, isla markaana uu Rodri ka xoogay kaddibna usii dhiibay Haaland oo waqtigii dheeraadka ahaa isku qoray diiwaanka gool-dhalinta.
Guushani waxay Manchester City siisay fursad ay hal dhibic kaliya ugu jirsato Liverpool oo hoggaanka haysa oo ay Axadda wada ciyaarayaan, waxaase iyaduna kusoo dhowaan karta Arsenal oo caawa la ciyaaraysa Sheffield United taas oo haddii ay soo badiso hal dhibic ka dambayn doonta Man City.
Si kastaba, guusha Manchester City ee shalay waxa ay soo afjartay rikoodhkii Manchester United ee ahaa in 143 ciyaarood oo ay gool kala hormareen City ay dhamaantood badiyeen, waxaase ay City ceebtaas iska maydhay shalay.