Marcus Rashford ayaa lagu waramayaa inuu diidayo iskuday kasta oo ay Man United ku iibineyso xagaagan.
Horaantii todobaadkan waxaa la sheegay in United ay suuqa kala iibsiga soo dhigtay dhamaan ciyaartoydeeda marka laga reebo Kobbie Mainoo, Rasmus Hojlund iyo Alejandro Garnacho, iyadoo Rashford uu ku jiro xiddiaha suuqa la soo dhigayo.
Waxay tani qeyb ka tahay qorshaha milkiilaha cusub Sir Jim Ratcliffe uu ku doonayo inuu ku soo celiyo waayihii guulaha ee kooxda.
Si kastaba, sida ay sheegtay The Sun, 26 jirkaan oo lagu qiimeynayo 80 milyan ginni ayaa iska diidi doona haddii United ay isku daydo inay iibiso.
Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in Rashford uu ku faraxsan yahay Manchester islamarkaana uusan dooneynin inuu ka tago kooxdii uu ku soo koray.
Dhanka kale waxay sheegeen in weeraryahanka uu ogsoon yahay inuusan mushaharkiisa oo gaaraya 325 kun ginni isbuuci uu ka heleynin koox kale, taasoo la micno ah in United lagu qasbi doono inay lacag badan ku laaluushto ciyaaryahanka si uu u aqbalo inuu baxo.
26 jirkaan ayaa dhaliyay 131 gool tan iyo markii uu Man United u saftay isagoo 18 sanno jir ah 2016kii, laakiin xilli ciyaareed fiican oo soo maray sannadkii hore, waxa uu haatan ku dhibtoonayaa inuu dib u helo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.
Rashford ayaa dhaliyay sideed gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana u sii dheer inay dhowr jeer isku dhaceen tababare Erik ten Hag.