Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xulatay afar tababare oo ay midkood ka dooran doonto macallinkeeda cusub ee beddelaya Erik ten Hag oo la sheegayo in shaqada laga caydhin doono dhamaadka xilli-ciyaareedakn.
Wariyaha ciyaaraha Mark Ogden ayaa ku warramaya in Manchester United ay uga dhamaatay tababare Erik ten Hag oo uu shandaddiisa xidh-xidhan doono kaddib laba sannadood oo uu joogay Old Trafford oo aanay ku qancin masuuliyiinta cusub ee la wareegay maamulka kooxdu.
Ciyaartoyda kooxda ayaa la sheegay in iyaguna ay ogsoon yihiin in shaqada laga caydhin doono Erik ten Hag, sidaas daraadeedna aanay ixtiraam badan ugu haynin taatikadiisa iyo xeeladaha ciyaareed oo ay saluug ka muujinayaan.
Mark Ogden oo ka tirsan warbaahinta ESPN waxa uu soo bandhigay magacyada saddex tababare oo saaran miiska Sir Jim Ratcliffe, kuwaas oo la hubo in midkood ay cidlo ka heli doonaan isaga oo waliba ciil u qaba inuu isku muujiyo horyaalka Premier League oo isaga oo shaqo fiican ka qabtay laga caydhiyey, halka labada kalena ay tahay inay dariiq-dheer u maraan sidii ay ku heli lahaayeen.
Tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel oo sannad kaliya joogay Allianz Arena laakiin ka tegi doona kooxdaas dhamaadka xilli-ciyaareedka ayaa hoggaaminaya saddexda tababare ee ay doonayso Man United.
Tuchel oo Champions League u qaaday Chelsea ayaa si lama filaan ah uu Todd Boehly uga caydhiyey kooxdaas laba sannadood ka hor, waxaana uu ciil u qabaa sidii uu ugu soo laaban lahaa horyaalka Premier League ee uu Chelsea u tusi lahaa qaladkii ay sameeyeen markii ay shaqada ka caydhiyeen isaga oo waliba guulo gaadhsiiyey, kooxduna meel fiican kaga jirto horyaalka.
Waxa kale oo ay Manchester United doonaysaa tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate iyo macallinka Brighton ee Roberto de Zerbi oo ay sidoo kale xiisaynayaan Liverpool iyo Barcelona.