Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa isbeddel ku sameeyey baahinta tartanka FA Cup oo ah tartanka ugu da’da weyn ee laga ciyaaro waddanka Ingiriiska iyo adduunyada inteeda kaleba.
FA Cup oo maraya marxaladda wareegga siddeedda oo ay isku dhaceen kooxo waaweyn sida Manchester United vs Liverpool, Manchester City vs Newcastle, Chelsea vs Leicester City iyo Wolves vs Coventry City, ayaa iyadoo ay jamaahiirtu sugayaan inta la gaadhayo waqtiga ay kala baxayaan oo min hal ciyaar oo kaliya ah ayaa waxa uu xidhiidhka Ingiriiska ee FA soo saaray war cusub.
Xuquuqda baahinta tartanka FA Cup ayaa uu xidhiidhka kubadda cagta ee Ingiriisku isbeddel weyn ku sameeyey, kaddib markii saami laga siiyey TNT Sports oo lacag badan kusoo kordhin doonta.
BBC ayaa heli doonta baahinta ciyaaraha FA Cup illaa laga gaadhayo sannadka 2029, laakiin TNT Sports ayaa beddeli doona ITV oo laga garbiyey tartanka xilli-ciyaareedak 2025/26.
TNT Sport ayaa bishii hore bixiyey £264 milyan oo Gini si uu u badbaadsado xuquuqda baahinta afarta sannadood ee soo socda ee tartanka FA Cup, laakiin waxa iyaguna door weyn yeelan doona BBC Sport iyo ITV.