Difaaca Manchester United ee Lisandro Martinez ayaa uu soo gaadhay dhaawac halis ah oo uu kaga baxay ciyaartii West Ham ay 3-0 ku garaaceen, waxaana hadda lagu samayn doonaa baadhitaanno iyo sawirro lagu hubinayo xaaladdiisa.
26 jirkan oo bishii hore kasoo laabtay dhaawac uu muddo dheer u jiifay, ayaa tababare Erik ten Hag uu sheegay in haddana xaaladdiisu ay xun tahay, balse aanay ka hor dhici doonin sawirrada iyo baadhitaannada lagu samaynayo.
Dhaawaca Martinez ooyimid markii ay isku dhaceen Vladimir Coufal oo ay kubadda ku loollameen ayaa lagu beddelay Raphael Varane, waxaana Ten Hag oo ka hadlay uu yidhi: “Dhaawaciisu uma muuqdo mid wanaagsan. Waxa uu u muuqdaa mid xun oo isaga iyo kooxdaba ku xun.
“Waa in aynu sugno baadhitaannada dhabta ah, balse waqtigan waa mid aad iyo aad noogu xun, waxaanuse rajaynaynaa in kaliya uu noqdo jug.”