Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay Aston Villa oo ku booqatay Villa Park, waxaanay kusoo garaacday 2-1 kulan la isku rafaacay oo waqti dambe uu libinta Man United go’aamiyey McTominay.
Manchester United ayaa gaadhay guushii afraad oo xidhiidh ah, iyadoo lixdii kulan ee ugu dambeeyey dhamaan tartamadana ay shan ka mid ah guuleysteen halka ay marka kalena barbarro galeen, waxaana hadda si weyn dib ugu soo nooleeyeen fursadda ay ku tegi karayaan afarta sare.
Laba gool oo ay kala dhaliyeen Rasmus Hojlund iyo Scott McTominay ayaa Manchester United ku hoggaamiyey guushan, halka gool madi ahaa oo Aston Villa u dhaliyey laacibka reer Brazil ee Douglas Luiz ay ilaashan kari waayeen dhamaadkii.
Libintan waxay Manchester United keentay kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League, waxaanay san dhibcood ka dambeeyaan Aston Villa oo shanaad ku jirta, halka Tottenham oo afraad fadhidana ay lix dhibcood ka hooseeyaan.
Daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta ayay Manchester United qabatay hoggaanka kaddib markii kubbad xerada ganaaxa uu madax kaga qabtay Harry Maguire uu goolka hortiisa ka helay Rasmus Hojlund oo lugta bidix ku dhamaystiray.
Furado badan ayay iska khasaariyeen Manchester United iyo Aston Villa 45kii daqiiqadood ee hore, waxaanay ku heshiiyeen in ay sidaa ku kala nastaan.
Laakiin markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Aston Villa dardar lasoo noqtay iyadoo samaysay fursado badan, waxaana ugu dambayntii ay keenee gool qurux badan oo uu u dhaliyey Douglas Luiz oo dhamaitiray kubbad uu markii hore difaacay Onana laakiin uu Bailly kusoo toogtay mar kale oo uu isaguna dhinaca shabaqa oo meel sare u leexiyey.
Dhamaadka ciyaarta oo ay shan daqiiqadood ka hadhsan tahay ayaa kubbad dhinaca midig kasoo qaaday Diogo Dalot waxa madax awood badan ku qabtay Scott McTominay oo saddexda dhibcood u go’aamiyey kooxdiisa.
Aston Villa ayay u tahay guul-darradii labaad ee xidhiidh ah ee soo gaadha, waxaana labadaba lagaga badiyey garoonkooda, iyadoo toddobaadkii hore ay Chelsea kusoo xasuuqday 5-0 ciyaar ka tirsanayd wareegga afraad ee tartanka FA Cup