Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee ay ka maqnayd labadii ciyaarood ee u dambeeyey ee horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanay galabta 2-0 dhibcaha kaga qaadatay Everton oo marti ugu ahayd Old Trafford.
Laba qalad oo lagu galay Alejandro Garnacho ayaa rikoodheyaal lagu siiyey Manchester United qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana goolal u beddelay Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford oo uu mid walba dhamaystiray toogashadiisa.
Everton oo ahayd koox isku dhax yaacsan oo la moodayey in aanay diyaar u ahayn kulankan, ayaa waxa ay ogolaatay in ay guusha waqti horeba u hannayso Man United oo iyaduna awoodi weyday inay goolal toos ah dhaliso, inkasta oo uu goolhaye Jordan Pickford ka badbaadiyey fursado badan.
Daqiiqaddii 11aad ee ciyaarta ayaa Alejandro Garnacho uu kubbad kala soo galay xerada ganaaxa Everton garabka bidix, waxaana uu usoo tooyey Tarkowski oo qalad ku galay, waxaaana isla markiiba rikoodhe tilmaamay garsooraha oo joojiyey ciyaarta.
Bruno Fernandes oo kubadda soo qaatay ayaa si xarrago leh u dhamaystiray rikoodhahaas isaga oo toogtay dhinaca bidix ee goolhaye Jordan Pickford oo isaguna raacay kubadda balse gaadhi waayey.
Rikoodhahan ayaa taariikhda u galay Bruno Fernandes waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu rikoodheyaal dhalinta badnaa Manchester United isaga oo jabiyey rikoodhkii Ruud van Nistelrood oo ahaa 28 rikoodhe.
Everton oo ka dunsanayd khadka dhexe ayay ku adkaatay inay kubadda geeyaan afka hore, maadaama Casemiro, Kobbie Mainoo iyo Scott McTominay ay ka ciyaarayeen khadka dhexe.
Daqiiqaddii 34aad ayaa mar kale rikoodhe loo dhigay Manchester United markii uu Alejandro Garnacho dhinaca midig kala soo galay kubbad uu dhawr ciyaartoy usoo gooyey, waxaana markii uu xerada ganaaxa soo galay jallaafo u dhigay Ben Goodfrey oo lugta kaga sii istaagay, sidaasna waxa Man United loogu dhigay dhirkoodhihii labaad ee ciyaarta.
Marcus Rashford ayaa rikoodhahan lagu aaminay, waxaana uga tanaasulay Bruno Fernandes si uu usoo nooleeyo niyadda laacibkan ay goolasha colloobeen, balse ay u noqonaysay ciyaartii labaad oo uu shabaqa soo taabto maadaama uu Axaddii gool qurux badnaa ka dhaliyey Manchester City.
Andre Onana ayaa dhawr kubbadood oo midkood ahaa maqas ka badbaadiyey ciyaartoyda Everton, laakiin taageereyaasha Manchester United ayaa u istaagay si ay ugu dabbaal-degaan kubbad uu Alejandro Garnacho la galay xerada ganaaxa oo uu darbad xooggan ku toogtay goolka, waxaana kubbaddaasi ay waxyar ka dallacantay goolka.
Waqti dambe ayaa kubbad koorne ahayd oo xerada ganaaxa Everton ku noqnoqotay waxa badbaadiyey Jordan Pickford oo ahaa geesi garab waayey oo rikoodheyaal lagu dilay.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester United ay ku jirto kaalinta lixaad, waxaanay saddex dhibcood ka dambaysaa Tottenham oo ku jirta kaalinta shanaad.