Manchester United waxa ay samaysay laba qalad oo waaweynaa suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii tegay, waxaanay lumiyeen laba ciyaartoy oo haddii ay la saxeexan lahaayeen ka badbaadin lahaa murugada iyo ceebaha ay waqtigan ku jirto oo ah in ay fadhiyaan kaalinta siddeedaad ee miiska kala-sarraynta Premier League.
Red Devils oo Axadda la ciyaaraysa Arsenal ayaa haddii ay guul-darraysato, waxa ay xataa halis u gelaysaa inay hoos ugu sii dhacdo kaalinta sagaalaad ee miiska kala-sarraynta Premier League iyagoo haddaba quus ka noqonaya inay kasoo qayb-galaan tartamada Yurub.
Halyeygii Man United ee Teddy Sheringham ayaa u sheegay tababare Erik ten Hag iyo maamulka kooxda, in ay qalad ku ahayd inay la saxeexan waayeen xiddigaha reer England ee HarryKane iyo Declan Rice oo ay isku dayeen saxeexooda balse mar dambe ay ka gaabiyeen oo ay xiddigahanna u wareegeen Bayern Munich iyo Arsenal.
Labadan ciayartoyba waxa ay qaadanayaan xilli-ciyaareed wanaagsan oo ay bandhig heersare ah ka samaynayaan garoomada, iyadoo Harry Kane uu Munich u dhaliyey 44 gool 44 ciyaarood oo uu u saftay isla markaana keenay semi-finalka Champions League oo ay Real Madrid ku reebtay Arbacadii.
Declan Rice ayaa isaguna waxa uu Arsenal ka dhigay koox xooggan oo guulaha la deris ah, waxaanay hoggaaminayaan horyaalka Premeir League iyadoo laba ciyaarood oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka.
Teddy Sheringham oo ka hadlay xaaladda ay kooxdiisu ku sugan tahay, ayaa sheegay in sababtu tahay qaladkii dhinaca suuqa ee ay sameeyeen markii ay ka gaabiyeen Kane iyo Rice, waxaanu yidhi; “Markii uu xilli-ciyaareedku bilaabmay ayaan sheegay in kooxdu aanay lahayn damac markii ay la saxeexan waayeen Harry Kane iyo Declan Rice.
“Haddii ay ahaan lahayd waqtigii Sir Alex Ferguson, labadoodaba si degdeg ah ayuu ula saxeexan lahaa sababtoo ah waa laba ciyaartoy oo sare oo ka dheelay Premier League iyo heer caalami intaba.
“Waqtigan masoo heli karaysid ciyaartooyo sida Harry Kane iyo Declan Rice ah, waa xirfadleyaal, waxay leeyihiin maskax guuleed iyo hoggaamin.”