Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu soo qaadayaa weerar xooggan oo lagaga afduubanayo kabtankeeda Bruno Fernandes marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, waxaana loo diyaariyey dalab lacag badan xambaarsan oo horyaalla laacibkan.
Kabtanka Manchester United ayaa noqday ciayartoygii ugu dambeeyey ee bartilmaameed u noqda kooxaha horyaalka Sucuudiga, waxaana bishii January dalab uu ka helay kooxda Al-Hilal oo mar kale isku dayi doonta xagaaga soo socda.
Wargeyska Record ee kasoo baxa waddanka Portugal, ayaa sheegay in Bruno Fernandes oo ay da’diisu tahay 29 jir uu dalab lacag badan leh ka haysto Al-Hilal oo uu ka fiirsan doono dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin aanay Manchester United wax walwal ah ku haynin arrintaasi.
Record waxa uu intaa ku daray, in Bruno Fernandes uu iska diidi doono dalabkan oo uu sii joogi doono Old Trafford oo uu rumaysan yahay inay ka taallo shaqo qabyo ah oo aanu wali ku gaadhin guulihii uu ku hamiyayey.
Bruno Fernandes ayaa la sheegay in haddiiba ay noqoto inuu u wareego horyaalka Sucuudiga, in uu tegi doono kooxda hoggaanka u haysa horyaalka ee Al-Hilal oo toddoba dhibcood ka sarraysa kooxda Cristiano Ronaldo ee Al-Nassr.