Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Rasmus Hojlund ayaa gool ugu dabbaal-degay sannad-guurada dhalashadiisa oo ku beegnayd maanta oo uu 21 jirsaday, taas oo uu ku xusay gool qurux badan oo lugta midig ah oo uu hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa oo garoonka Old Trafford ku qaabbishay West Ham United.
Rasmus Hojlund ayaa dhaliyey goolkiisii afraad ee xidhiidh ah ee horyaalka Premier League ah, waxaana goolka uu dhaliyey u raacay rikoodh taariikhi ah oo looga diiwaangeliyey horyaalka Premier League.
Markii uu goolka dhaliyey ayuu sameeyey dabbaal-deg cajiib ah, waxaana uu gacmihiisa ku ishaaray sidii uu tumayo giitaar, iyadoo ciyaartoyda kooxdiisuna ay iskugu soo xoomeen halka uu joogay ee uu orodka ku tegay markii uu goolka dhaliyey.
laacibkan oo maanta 21 jirsaday, ayaa waxa uu noqday ciyaartoygii ugu da’da yaraa ee afar ciyaarood oo xidhiidh ah goolal uga dhaliya Manchester United horyaalka Premier League, waana wax aan hore usoo marin Red Devils.
Waxa rikoodhkan cajiib ah uu ugu soo beegmay xuska sannad-guurada dhalashadiisa ee 11aad.