Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan inay la soo wareegaan laba xiddig oo Bayern Munich ah iyagoo isku dayaya inay xoojiyaan kooxdooda bisha Janaayo.
Sida uu sheegay Florian Plettenberg oo ka tirsan Sky Sports, Red Devils ayaa isha ku haysa xaaladda xiddigaha Bayern Leroy Sane iyo Leon Goretzka kahor suuqa kala iibsiga Janaayo. Kooxda ayaa qorsheynaysa inay xoojiso khadka dhexe iyagoo raadinaya khad dhexe oo burburiye ah kadib markii Manuel Ugarte uu kooxda kaga soo biiray Paris Saint-Germain xagaagii hore qiimo dhan £51 milyan ($60m), sidaas darteed waxay eegayaan ikhtiyaarka ah inay la soo saxiixdaan Goretzka.
Inkasta oo heshiiska Goretzka uu dhacayo sanadka 2026, Sane ayaa durba galay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa. Si kastaba ha ahaatee, Plettenberg wuxuu sidoo kale sheegay in labadan ciyaaryahan aysan u badneyn inay ka tagaan kooxda Bundesliga ka dhisanbxilli ciyaareedkan.
Inkasta oo ay sameeyeen lix saxiix oo cusub xagaaga 2024, oo ay ku jiraan laba xiddig oo Bayern ah ( Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui) , United ayaa si niyadjab leh ku bilowday xilli ciyaareedkan iyagoo hadda ku jira kaalinta 14aad ee Premier League isla markaana aan guul gaarin shantii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Kooxda uu hogaamiyo Erik ten Hag ayaa ku soo laaban doonta garoomada Sabtida iyagoo isku dayaya inay soo afjaraan guuldarrooyinkooda, iyagoo kula ciyaari doona Brentford Old Trafford. Shan maalmood kadib, United waxay la ciyaari doontaa Fenerbahce tartanka Europa League.