Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa doonaysa inay la saxeexato xiddig ka tirsan Real Madrid oo ay ku beddelayso laacib loo han-weynaa oo saluug badan laga muujiyey intii uu joogay Old Traford, isla markaana loosoo jeedinayo kooxdaas inay isbeddel ka samayso.
Xagaagii hore, Manchester United waxay lacago badan ku kharash garaysay Mason Mount, Andre Onana iyo Rasmus Hojlund oo uu tababare Erik ten Hag kooxdiisa ku xoojiyey, laakiin ciyaartoydani ma aanay noqonin sidii laga filayey.
Xilli-ciyaareedka 2023/24 ayaa waxa uu Manchester United ugu dhamaanayaa qaab murugo leh, waxaanay fadhiyaan kaalinta lixaad ee miiska Premier League, iyaga oo 13 dhibcood ka dambeeya Aston Villa oo kaalinta afraad fadhida.
Tartanka Champions League ayay wareeggii group-yada kaga hadheen markii ay isku hormo noqdeen Bayern Munich, FC Copenhagen iyo Galatasaray, balse waxa hormadaas kasoo baxay Munich iyo FC Copenhagen.
Sida uu qoray wargeyska Fichajes, Manchester United ayaa waxa ay doonaysaa in ay la saxeexato goolhayaha Real Madrid ee Andriy Lunin oo bandhig heersare ah samaynaya xilli-ciyaareedkan oo uu noqday goolhayaha koowaad ee Los Blancos oo uu u beddelay Thibaut Courtois oo dhaawac ku maqnaa xilli-ciyaareedka oo dhan.
Man United ayaa waxa ay doonaysaa in Andriy Lunin ay ku beddesho Andre Onana oo qaladaad badan oo uu sameeyey ay sababeen in goolal laga dhaliyo Red Devils.