Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa bilaabaysa hawlgal ay kula saxeexanayso ciyaartoy ay saaxiibbo dhow yihiin khadka dhexe ee reer Denmark ee Christian Eriksen, kaas oo qorshuhu uu yahay inay kusoo qaataan lacag kaash ah iyo ciyaartoy qayb ka noqonaya heshiiska.
Erik ten Hag oo ay kooxdiisu ku dhibaatoonayso horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, isla markaana ay waqti horeba ka hadhay tartamada Champions League iyo Carabao Cup, ayaa waxa ay raadinaysaa ciyaartooyo ay isku xoojiso bishan January iyo xagaaga.
Sida uu qoray wargeyska The Sun, Manchester United ayaa waxa ay doonaysaa inay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee Morten Hjulmand oo qandaraaskiisa lagu burburin karayo £69 milyan oo Gini.
Red Devils ma doonayso inay wada-bixiso lacagtan, laakiin waxa ay qorshaynayaan in heshiiska uu qayb ka noqday da’yarka reer Uruguay ee Facundo Pellistri oo ay u diri doonaan Sporting Lisbon si uu uga khafiifiyo lacagta £69 milyan ee Gini ah ee dabarka looga dhigay saxeexa Morten Hjulmand.
Manchester United ayaa mar horeba bilowday inay si dhow ula socoto kubbad-burburiyahan, waxaanay ugu yaraan daawadeen isaga oo ciyaaraya illaa lix jeer xilli-ciyaareedkan iyadoo masuuliyiin ka socotay Red Devils ay isaga dartii u tageen waddanka Portugal.
Morten Hjulmand oo ay saaxiibbo dhow yihiin Christian Eriksen ayay da’diisu tahay 24 jir, waxaana la rumaysan yahay inuu jeclaan lahaa in uu ka garab ciyaaro laacibka ay isku waddanka yihiin ee Eriksen.
Sporting Lisbon ayaa waxa ay Morten Hjulmand £15 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda horyaalka Talyaaniga ee Lecce.