Manchester United Oo Dib U Heshay SADDEX Ciyaartoy Oo Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Chelsea

ADVERTISEMENT

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dib u heshay saddex ciyaartoy oo muhiim ah ka hor kulanka Chelsea ee Salaasada, kuwaas oo ka xoojin doona halka uu walaaca badan ka hayay tababare Erik ten Hag oo sidoo kale ogsoon in Axadda ay kooxdiisu waajahayso Liverpool.

Erik ten Hag ayaa dib usoo dhoweeyey saddexda difaac ee Raphael Varane, Jonny Evans iyo Harry Maguire oo dhaawacyo kasoo noqday, isla markaana qayb ka noqday safarka ay kooxdoodu ugu baxday London.

Manchester United oo xalay xaqiijisay dhaawacyada Lisando Martinez iyo Victor Lindelof oo ugu yaraan muddo bil ah ka maqnaan doona kooxdooda, ayaa waxa uu soo dhoweeyey xiddigihii dhaawaca ahaa ee difaaca dhexe.

Varane ayaa dhaawac kaga baxay waqtiga nasashada ciyaartii Brentford kaddib markii ay isku dhaceen Ivan Toney, waxaana soo laabashadiisa xaqiijiyey tababare Erik ten Hag.

ADVERTISEMENT

“Varane wax dhibaato ah ma qabo, tababarka ayaanu qaatay gellinkii dambe. Waxa sidoo kale shalay soo laabtay Jonny Evans iyo Harry Maguire.” Ayuu yidhi Erik ten Hag.

Taba baraha Manchester United ayaa waxa uu qiray in ay dhaawacyo soo gaadheen ciyaartoyda Manchester City, Liverpool iyo Arsenal, laakiin waxa uu ku dooday in aanay jirin koox u dhibaatootay sida Man United oo kale, gaar ahaan khadka dambe ee difaaca.


ADVERTISEMENT

Related Stories

Next Post

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

[player id=6467] [player id=6466]