Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qaadaysa tallaabo ay ku xaqiijinayso in xiddiga da’da yar ee Kobbie Mainoo aanu ka tegin mustaqbalka dhow, waxaanay kasoo marayaan dhinaca lacagta iyo dhismaha mustaqbalkiisa ee xirfadda ee hadda curdinka ah.
Manchester United ayaa waxa ay laacibkan u bandhigtay heshiis cusub oo afar jibbaar ka dhigaya mushaharkiisa uu waqtigan ka qaato oo horraantii sannadkan la kordhiyey.
Sida uu ku warramayo wargeyska Daily Star, Kobbie Mainoo oo dhaliyey gool qurux badan finalkii FA Cup ee ay 2-1 kaga adkaadeen Manchester City, kuna qaadeen koobka ayaa waxa abaal-marin looga dhigayaa heshiis cusub oo sare u qaadaya mushaharkiisa waqtigan.
19 jirkan ayaa waxa heshiiska cusub ee loo bandhigay oo socon doona muddo shan illaa lix sannadood ah waxa uu ku qaadan doonaa mushahar gaadhaya £80,000 Gini toddobaadkii, kaas oo uu qorshuhu yahayin uu saxeexo marka laga soo noqdo ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 oo lagu daray xulka qaranka England.
Kubbad-sameeyahan ayaa ka mid noqday 33ka ciyaartoy ee liiska hordhaca ah ee xulka England, waxaase la filayaa in toddobaadkan soo socda inuu ka mid noqon doono 26ka ciyaartoy ee liiska kama dambaysta ah ee u duuli doona waddanka Germany.
Mainoo ayaa February 2023, waxa uu Manchester United u saxeexay heshiis soconaya illaa sannadka 2027 oo Red Devils ay haysato dookh ay sannad kale ku kordhin karto oo mushaharkiisuna yahay £20,000 Gini toddobaadkii, balse hadda ayaa ay mar kale ka saxeexi doonaan heshiis cusub oo kordhinaya mushaharkiisa iyo tirada sannadaha uu u damaanad-qaadayo Old Trafford intaba.