Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa diyaarisay xafladda shaacinta heshiiska xiddiga reer France ee Kylian Mbappe, taas oo lagu qaban doono magaalada Madrid isla marka ay kooxdu kasoo laabato magaalada London oo ay caawa finalka Champions League kula dheelayaan Borussia Dortmund.
Los Blancos ayaa la rumaysan yahay inay waqti hore heshiis la gaadhay Kylian Mbappe oo si bilaash ah ugaga soo wareegaya PSG, waxaana hadda dhiman shaacinta oo kaliya.
Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Faransiiska ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ee June 3, ay Real Madrid shaacin doonto heshiiska Kylian Mbappe oo lagu soo bandhigi doono magaalada Madrid, halkaas oo laacibkan uu mar horeba ka iibsaday gurigii uu degi lahaa.
Kylian Mbappe oo toddobaadkii hore waraysi siiyey telefishanka CNN ayaa waxa uu qirtay in ay maalmo kooban innaga xigaan waqtiga shaacinta heshiiskiisa, inkasta oo uu ka gaabsaday inuu caddeeyo magaca kooxdiisa cusub, waxaanu yidhi: “Kooxdayda xigta si degdeg ah ayay rasmi u noqon doontaa, maalmo kooban ayaa innaga xigta. Aniga ayaaba sugi kari la’, waanan faraxsanahay. Waa in aynu sugno kaliya maalmo kooban.”
Real Madrid ayaa waxa ay doonaysay in Mbappe ay lasoo wareegto xagaagii 2022, laakiin laacibkan ayaa waxa uu waqtigaas heshiis cusub oo laba sannadood ahaa u kordhiyey PSG iyadoo la filayey inuu ka dego Santiago Bernabeu, balse ugu dambayntii hadda ayaa uu noqonayaa ciyaartoy Real Madrid ah.