Manchester City ayaa taariikh kale samaysay habeenimadii Arbacada iyaga oo sii wada difaacashadooda Koobka Champions League kadib markii ay 3-1 kaga badiyeen kooxda reer Denmark ee Copenhagen.
Kooxda Pep Guardiola ayaa iska xaadirisay wareega sideed dhamaadka Champions League iyagoo uga mahadcelinaya goolal ay u kala dhaliyeen Kevin De Bruyne, Bernardo Silva iyo Phil Foden.
Erling Haaland ayaa barbareeyay gooldhalinta Champions League ee Sergio Aguero isagoo dhaliyay goolkiisii 41aad.
Xaqiiqdii, weeraryahanka reer Norway ayaa hadda ah xiddiga19aad ee ugu goolasha badan taariikhda Champions League isagoo kaliya saftay 37 kulan.
9 – Manchester City are the first side in major European competition history to score 3+ goals in nine consecutive home matches. Powerful. pic.twitter.com/m87KMD9K89
— OptaJoe (@OptaJoe) March 6, 2024
Manchester City ayaa iyadana taariikh loo diiwaangeliyay ka dib markii ay noqdeen kooxdii ugu horeysay ee taariikhda Koobka Kooxaha Yurub ee seddex gool ama wax ka badan ku badisay sagaal kulan oo isku xigta oo lagu ciyaaray garoonkeeda.
Waxa ay sidoo kale noqdeen kooxdii ugu horeysay ee Ingiriis ah oo badisay 10 kulan oo xiriir ah tartanka Champions League.
Manchester City ayaa sidoo kale dhigtay rikoodh iyada u gaar ah iyadoo aan laga badinin 37 kulan oo isku xigta oo ay ku ciyaareen Etihad Stadium, waxayna soo bilaabeen bishii November 2022kii.