Pep Guardiola ayaa sheegay in Manchester City ay aad u jeceshahay Erling Haaland islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii heystaan muddo toban sannadood ah.
Weeraryahanka reer Norway ayaa ka soo laabtay dhaawac uu labo bilood la maqnaa, laakiin soo noqoshadiisa waxay keentay warar cusub oo la xiriirinaya Real Madrid.
Wadahadalo qandaraas cusub looga saxiixayo Erling Haaland ayaan weli dhalin wax natiijo rasmi ah.
Halka wararka Spain ka imaanaya ay sheegayaan in 23 jirka Haaland uusan ku faraxsaneyn ku noolaanshaha magaalada Manchester.
Laakiin tababare Guardiola ayaa yiri: “Maxaad u maleyneysaa, inaynan dooneynin in Erling uu halkaan sii joogo toban sannadood kale? Haa, waanu dooneynaa inuu muddo dheer kooxdaan sii joogo. Aad ayaan u jecel nahay isaga.
“Marka ugu horeysa sharaf ayay inoo tahay in kooxaha muhiimka ah ay doonayaan ciyaartoydeena, laakiin ugu danbeyn ciyaartoyda ayaa go’aanka iska leh.
“Laakiin dabcan waxaan dooneynaa inaan ceshano ciyaartoydeena ugu fiican. Waxaan u baahanahay ciyaartooy aad u fiican.”
Inkastoo Spain ay ka soo baxayaan warar sheegaya inuusan ku faraxsaneyn nolosha Manchester hadana wareysi uu Haaland siiyay City todobaadkii hore waxa uu kaga hadlay sida isaga iyo qoyskiisa ay u saldhigeen Manchester.