Manchester United ayaa isbedelo waa weyn wajaheyso xagaagan, laakiin taageerayaasha kuma faraxsana xiddigii ugu danbeeyay ee lala xiriiriyay.
Sida uu sheegay joornaaliistaha warbaahinta Isbaanishka ee Relevo, Matteo Moretto, Manchester United ayaa wadahadal la furtay wakiilka xiddigii ku fashilmay Stoke City iyo Newcastle Joselu.
34 jirkaan ayaa goor dhaweyd ka caawiyay Real Madrid inay ku guuleysato horyaalka La Liga isagoo amaah uga soo maqan kooxda Espanyol, waxaana uu dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan.
Inkastoo wadahadalada ay socdaan hadana waxaa la rumeysan yahay in xiddiga reer Spain uu doorbidayo inuu sii joogo Santiago Bernabeu.
Los Blancos ayaa qiyaar u leh inay si toos ah u iibsato Joselu, inkastoo ay xagaagan helayaan Endrick iyo Kylian Mbappe taasoo xaalada Joselu adkeyn karta.
Joselu ayaa dhaliyay goolkii seddexaad ee Real Madrid kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Cadiz Sabtidii, waxaana sida cad uu jecel yahay inuu u ciyaaro kooxda 14ka jeer ku guuleysatay Champions League.
Jamaahiirta Man United aamini wayay in weeraryahanka kaliya ee ay Man United ilaa iyo haatan wadadalo la furtay uu yahay mid horay ugu soo fashilmay Premier League oo 34 sanno jir ah.