Man United ayaa kalsooni ku qabtay in dalab u dhaxeeya 60 ilaa 70 milyan ginni inay ku filnaan doonto inay ku soo xerogeliyaan daafaca Everton Jarrad Branthwaite, sida ay sheegtay Football Insider.
Man United ayaa isku dayaysa inay bilowga suuqa kala iibsiga xagaaga ay dhameystirto saxiixa Branthwaite.
Waxaa la rumeysan yahay in 21 jirkaan ay iska iibin doonto Everton ka hor 30ka Juun si ay lacagtiisa ugu darsadaan buugooda xisaabta ee xilli ciyaareedka 2023-24 ugana fogaadaan in dhibco kale laga jaro.
Everton ayaa si weyn u dooneysa inay ceshato daafaca dhexe laakiin lacagta ay baahida u qabaan ayaa ku qasbeysa inay iibiyaan si ay uga fogaadaan in dhibco laga jaro.
Ilo ku sugan kooxda Man United ayaa u sheegay Football Insider in Branthwaite uu yahay bartilmaameedkooda koowaad iyagoo isku dayaya inay isbedel ku sameeyaan daafacooda xagaagan.
Kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa muddo dheer isha ku heysay laacibkaan ka tirsan xulka England ee U21, waxayna haatan diyaar u yihiin inay ka dhigaan saxiixooda koowaad ee xagaagan.
Branthwaite ayaa 36 kulan u saftay Everton xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isagoo ku soo bilowday mid walba oo ka mid ah.
Daafaca dhexe oo kulankiisii ugu horeysay looga soo yeeray xulka England bishii la soo dhaafay ayaa qandaraaskiisa Goodison Park wuxuu dhacaya bisha Juun 2027 ka dib markii uu qandaraas cusub saxiixay 2023kii.