Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay Mason Greenwood iyo lacag kaash ah ku soo bedelato mid ka mid ah daafacyada diirada u saaran xagaagan.
Mustaqbalka Greenwood ee United ayaa ahaa mid aan la hubin ka dib markii lagu waayay dacwadii aheyd inuu kufsi geystay bishii Febraayo ee sannadkii hore.
United ayaa markii hore go’aansatay in mustaqbalka Greenwood uu yaalo meel ka baxsan Old Trafford, iyadoo weeraryahanka uu amaah ugu tagay Getafe maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ee xagaagii hore.
Si kastaba ha ahaatee, bishii Febraayo milkiilaha saamiga yar ee Man United, Sir Jim Ratcliffe, ayaa sheegay inaan wax go’aan ah laga gaarin mustaqbalka Greenwood.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la soo jeediyay in United ay isku dayayso inay iska iibiso Greenwood xagaagan, iyadoo warbixin cusub oo ay daabacday Gazzetta dello Sport ay sheegeyso in kooxda ay rabto inay weeraryahanka iyo lacag ku soo bedelato daafaca kooxda Juventus Gleison Bremer.
Bremer ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Serie A xilli ciyaareedkan, waxaana lagu qiimeynayaa 51 milyan ginni ilaa 60 milyan ginni. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Old Trafford ka dhisan ayaa laga yaabaa inay hoos u dhigto qiimahaas iyagoo hishiiska ka qeyb dhigaya Greenwood.
Juventus ayaa la sheegay inay xiiseyneyso Greenwood, kaasoo dhaliyay lix gool, islamarkaana loo diiwaan geliyay shan caawin 24 kulan oo uu saftay horyaalka xilli ciyaareedkan.
United ayaa sidoo kale loo maleynayaa inay dooneyso daafaca dhexe ee Everton Jarrad Branthwaite iyo daafaca kooxda Nice Jean-Clair Todibo.