Manchester United ayaa wajihi doonta in laga mamnuuco tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii Uefa ay ku adkeysatay ganaaxa ay ku soo rogto kooxaha wadaaga hal milkiile oo sharcigooda uu ka soo horjeedo.
Uefa ayaa ugu dambeyntii daabacday xeerarkooda cusub ee ku saabsan arrimaha lahaanshaha kooxaha badan.
Inkastoo kooxaha wadaaga hal milkiile ay ka ciyaari karaan tartamada Yurub haddii ay ka dheelayaan labo tartan oo kala duwan, waxa uu weli taagan ganaaxa saaran kooxaha hal milkiile wadaaga ee ka ciyaaraya tartan isku mid ah.
Madaama kooxda Nice wajahday natiijooyin keenay inay kaalinta 5aad u dhacdo, waxay taasi ka hor istaagi kartaa Man United inay ciyaarto wax tartan ah xilli ciyaareedka soo socda.
Nice waxaa si buuxda u leh Sir Jim Ratcliffe, wuxuuna sidoo kale milkiile saami yar uu ka yahay Man United isagoo la wareegay howlaha kubada cagta ee kooxda.
Bishii hore, Ratcliffe ayaa sheegay in UEFA ay u sheegtay in milkiyadiisa Nice aysan ka horjoogsan doonin United inay ka ciyaarta Yurub.
Laakiin UEFA ayaa haatan xaqiijisay inay mamnuuc tahay in kooxaha wadaaga hal milkiile ay ka qeyb qaataan hal tartan oo Yurub ah inkastoo isbedel lagu sameeyay xeerarka UEFA.
Markii la weydiiyay inay xaqiijiyaan xaalada United iyo Nice, UEFA ayaa u sheegtay The Sun: “Waa sax Man United iyo Nice kama wada ciyaari karaan tartan isku mid ah.
“Waxay ka dheeli karaan tartamo kala duwan, madaama sharcigaas haatan la bedelay.”
Man United waxay ku jirtaa kaalinta lixaad waxayna qarka u saaran tahay inay u soo baxdo Europa League xilli ciyaareedka danbe xitaa haddii horyaalka Ingariiska la siiyo boos shanaad oo Champions League ah.
Laakiin qaab ciyaareedka xun ee ay Nice wajahday sannadkan 2024ka ayaa xaalada xumeysay.
Waxay u muuqdeen kuwa boos Champions League xaqiijisanaya dhamaadkii Janaayo, laakiin haatan waxay u dhaceen kaalinta shanaad.
Haddii United iyo Nice ay ku dhameystaan boosaska ay haatan ku jiraan, waxay labada kooxood u soo baxayaan Europa League.
Si kastaba, sida uu qabo sharciga Nice ayaa tartanka loo ogolaanayaa madaama ay boos ahaan ka sareyso United.
Taas ayaase isbedeleysa haddii United ay ku guuleysato FA Cup markaasoo United ay heleyso booska Europa League halka Nice loo dirayo Conference League.