Manchester United ayaa dooneysa inay Harry Maguire iyo lacag kaash ah ku soo bedelato daafaca adag ee ay sida weyn u doonayaan ee Jarrad Branthwaite, sida ay qortay Daily Star.
Daafaca dhexe ee Everton Branthwaite ayaa ka mid ah xiddigaha sarre ee u bartilmameedsan Man United xagaagan iyagoo doonaya inay adkeeyan lafdhabarta kooxda.
Xiddigaan u dheela xulka England ee U-21 ayaana loo arkaa inuu xoojin karo kooxda xilli ciyaareedka soo socda iyadoo Everton ay ku qiimeyneyso 70 milyan ginni.
Lacagtaan ayaa sarre u kici karta bisha July madaama kooxo badan oo premier League ah xiiseynayaan Branthwaite oo amaah ku joogay PSV xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
Dabcan Everton ayaa si weyn u doonaysa inay ceshato xiddigeeda. Si kastaba, dhaqaale xumada ay ku jiraan ayaa ku qasbi karta inay iibiyaan hantidooda ugu qaalisan si ay uga badbaadaan in dhibco kale laga jaro.
Waana sababta ay Man United ugu rajo weyn tahay inay heleyso Branthwaite haddii ay u bandhigaan daafaca khibrada leh Harry Maguire iyo lacag kaash ah.
Madaxda Manchester United ayaa u arka in Harry Maguire uu qiimaha Branthwaite ka dhimi karo 20 milyan ginni taasoo la micno ah inay ku soo iibsan karaan daafaca da’da yar Maguire oo lagu daray 50 milyan ginni xagaagan.
Laakiin waxaan la ogeyn haddii Maguire uu aqbali doono qorshahaan iyadoo la ogsoon yahay inuu iska diiday West Ham United oo ay Shayaadiinta Cas Cas hishiis wada gaareen.