Chelsea ayaa lagu waramayaa inay xiriirkii ugu horeysay la sameysay Napoli iyagoo u bandhigay dalab lacag iyo Romelu Lukaku ah si ay u la soo wareegaan Victor Osimhen sida ay qortay Daily Mail.
Kooxda Blues ayaa si xoogan loola xiriirinayay weeraryahanka sannadihii ugu danbeeyay iyadoo xiddiga reer Nigeria uu ugu danbeyn u dhaqaaqi karo kooxda ka dhisan galbeedka London.
Nicolas Jackson ayaa lagu aaminay inuu hogaamiyo weerarka Chelsea xilli ciyaareedkan, iyadoo Armando Broja amaah lagu diray bishii Janaayo halka Deivid Washington uusan helin fursad badan uu ku ciyaaro.
Benjamin Sesko ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Chelsea todobaadyadii ugu danbeysay laakiin weeraryahanka RB Leipzig waxa uu u khibrad yar yahay si la mid ah Nicolas Jackson.
Sida uu sheegay joornaaliistaha Talyaaniga Gianluca Di Marzio, Chelsea ayaa haatan xiriirkii ugu horeysay kala sameysay Napoli saxiixa Osimhen.
Osimhen ayaa la aaminsan yahay in lagu heli karo lacag u dhaxeysa 68 ilaa 77 milyan ginni, si kastaba Napoli waxay sharuudo hor dhigtay Chelsea.
Sida uu Di Marzio sheegay kooxda Serie A ka dhisan waxay dooneysaa in hishiiska laga qeyb dhigo labo ciyaaryahan.
Mid ka mid ah waa Romelu Lukaku oo noqonaya bedelka tooska ah ee Osimhen halka ay Napoli sidoo kale ciyaaryahan da’ yar ka dooneyso Chelsea.
Di Marzio ayaa sheegay in Lukaku uu bartilmaameed u yahay agaasimaha cusub ee Napoli Giovannni Manna kaasoo isku dayay inuu Lukaku geeyo Juventus.
Waxaa jiray warar sheegayay in Chelsea ay dooneysay inay hishiis la isku bedelanayo Dusan Vlahovic iyo Lukaku uu dhaco balse ma aysan suurtogelin, laakiin agaasimaha oo haatan tagaya Napoli ayaa doonaya inuu Lukaku geeyo kooxda Talyaaniga.