Manchester United iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay si fool ka fool ah ugu dagaalamaan saxiixa weeraryahanka Ajax Brian Brobbey.
Red Devils iyo Gunners ayaa suuqa ugu jira ugu yaraan hal weeraryahan oo cusub kaasoo ka daboola baahiyaha goosha.
Dhanka United, waxaa si weyn loo hadal hayaa inay ku sii dhawaanayaan saxiixa weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee.
Dhanka kale, Arsenal ayaan weli sameeynin wax horumar ah oo la taaban karo oo ay ku doonayaan weeraryahano cusub oo bedeli kara Gabriel Jesus iyo Eddie Nketiah, kuwaas oo dhaliyay kaliya sagaal gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore.
Si kastaba ha noqotee, taasi waxaa la filayaa inay isbedesho waqtiga saxda ah iyadoo Mikel Arteta uu u hanqal taagayo inuu sii wado dadaalkiisa xooggan ee ku aadan ku guuleysiga horyaalka England.
Sida laga soo xigtay The Sun, mid kasta oo ka mid ah kooxaha Premier League ayaa weli leh hammi ah inay isku dayaan inay heshiis la gaaraan Brobbey.
Waxaa jiray bilihii la soo dhaafay in 22 jirku uu si cad uga hadlay mustaqbalkiisa, isagoo qiray in Arsenal “ay tahay koox aad u fiican” iyo sidoo kale United.
Inkastoo Ajax ay soo bandhigtay qaab ciyaareed niyad jab leh, Brobbey ayaa shaqsiyan qaatay xilli ciyaareed fiican isagoo ka qeyb qaatay 18 gool iyo sideed caawin 30 kulan oo uu saftay Eredivisie.
Brobbey waxa uu Ajax kula jiraa heshiis dhacaya 2027, naadiga ayaana u muuqata mid iska iibinaysa ciyaaryahankan.
Iyadoo United ay u muuqato inay ku dhowdahay saxiixa Zirkzee, waxayna taas ka dhigan tahay in Arsenal ay qaadan karto Brobbey.
Horay ayuu Brobbey u sheegay in Real Madrid iyo Barcelona ay yihiin kooxo uu ku riyoonayo inuu matalo.
Si kasta waxaa la sugaya cida ku adkaan doonto dagaalka weeraryahankan.