Tababaraha France Didier Deschamps ayaa lagu wargaliyay, hal arrin oo farxad ah iyo hal arrin oo murugo ah ka hor kulanka France semi-finalka ku wajahaysa Spain habeenka talaadada.
Xulka ku guuleystay Koobka Adduunka 2018kii ayaa soo gaaray garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich iyagoo u dagaallamaya booskooda Finalka kaasoo Berlin ka dhacaya 14-ka July iyagoo doonaya inay helaan koobkoodii seddexaad ee Euro.
Deschamps ayaa haysta dhibaato badan oo uu ku xalin karo kulanka La Roja, laga yaabee in ayba tahay weerar la’aanta heeysata xulka,
Taas oo keentay in Les Bleus uu ku guuldareysto inuu gool ka dhaliyo ciyaar furan.
Ilaa hadda, France ayaa kaliya seddex gool dhaliyay Euro 2024 – goolasha ay iska dhaliyeen Jan Vertonghen iyo Maximilian Wober iyo rigoore Kylian Mbappe uu dhaliyay ayaa ah kuwa keliya ku faani karto.
Tan iyo markii uu sanka ka jabay ciyaartii furitaanka ee Austria, Mbappe ayaana ahayn mid taam ah, waxayna u muuqata inuusan ka ciyaari karin sanka jaban.
Marcus Thuram ayaa dareemay kulankii Portugsl dhaawac yar , kaas oo keentay in lagu bedalo Kolo Muani.
Dhaawaca Thuram ayaa la sheegay inuu aha muruqa, laakiin sida wararka ay sheegayan wuxuu awooday inuu si caadi ah u tababarto Axadii, waxaana uu u muuqdaa inuu diyaar u yahay semi-finalka.
Deschamps ayaa sidoo kale ka maarmi doona daafaca Ferland Mendy.
Daafaca Real Madrid ayaa waxaa dhibaato ku haya taam ahaanshihiisa muddo sanado ah waxaana lagu soo waramayaa in uu dareemayay raaxo la’aan intii lagu guda jiray tababarkii uu la qaatay ciyaartoyda kale ee aan booska ku haysan.
Dhibaatada daafaca bidix ayaa lagu tilmaamay mid yar, waxaana kaliya uu ka maqnaa tababarkii axada laakiin ma jirto wax fursad ah oo uu ugu soo bilaaban karo Allianz Arena.
Laacibka AC Milan Theo Hernandez ayaa ku adkeystay booskiisa dooqa koowaad ee Deschamps ee dhankaas, wuxuuna dhaliyay rigooradii guusha ee Portugal, isagoo ka caawiyay inuu ka aarguto guuldaradii France ka soo gaartay Portugal finalkii 2016kii.
Si kastaba walaaca ugu weyn ee Deschamps waa dhaawaca yar ee Marcus Thuram.