Kooxaha Manchester City iyo Arsenal ayaa barbaro goolal la’aan ah ku kala baxay ka dib ciyaar adag oo ka dhacday garoonka Etihad Stadium taasoo keentay in Liverpool ay hogaanka Premier League ku qabato labo dhibcood.
Gunners ayaa aheyd kooxda ku faraxsan barbaraha ka dib markii ay 90kii daqiiqo ee ciyaartii Etihad ay muujiyeen dhabar adeyg iyagoo difaac ka xirtay kooxda martida loo ahaa ee Manchester City.
Labada qeyb ee ciyaarta kooxda Man City ayaa kubada inteeda badan iska heysatay laakiin waxay ku guuldareysteen inay hanjabaad rasmi ah u geystaan goolka Arsenal.
Gunners oo u muuqatay inay ku soo shir tagtay inay dhibic kaliya ka qaadato Etihad Stadium ayaa ugu danbeyn heshay dhibicdeeda markii ay aamusiyeen weerarka Man City oo jawaab u waayay difaaca adag ee Arsenal.
Fursadii ugu fiicneyd ee ciyaarta waxay timid qeybtii hore markii Nathan Ake uu garabka ku riixay kubad koorno aheyd isagoo golka hor taagan. Daafaca Holland ayaase dhaawac ku baxay taasoo jug culus ku aheyd City balse Arsenal kama aysan faa’ideysanin oo wax dhibaato ah uma geysan goolhaye Stefan Ortega.
Markii ugu horeysay ee Ortega la shaqo geliyo waxay aheyd markii xiddiga bedelka ku soo galay Leandro Trossard uu kubad uu baasi karay darbo culus goolka ku tuuray. Jeremy Doku ayaa isna darbooyin aan bartilmaameedsaneyn goolka Arsenal ku tuuray.
Erling Haaland oo ciyaartaan la aamusiyay ayaa inkastoo uu fursad dahabi aheyd qasaariyay ciayarta oo lix daqiiqo ay ka harsan tahay.
Waa markii ugu horeysay in muddo ah oo ay labada kooxood barbaro goolal la’aan ah ku galaan garoonka Etihad Stadium
Natiijadaan waxay guul weyn u tahay kooxda Liverpool oo maanta 2-1 kaga badisay Brighton islamarkaana haatan hogaanka horyaalka Premier League kula wareegtay labo dhibcood oo ay ka sareeyaan Arsenal halka ay seddex dhibcood hogaanka uga hayaan kooxda Man City oo kaalinta 3aad ku jirta.
Waa markii ugu horeysay oo ay Arsenal dhibco dhumiso sannadkan 2024 horyaalka Premier League, markii ugu danbeysay ee ay dhibco dhumiyaan horyaalka waxay aheyd kulankii Fulham ee 31kii December.
Man City ayaa iyadana sii dheereysatay rikoodhkeeda aan Etihad looga badinin horyaalka iyagoo haatan maraya 39 kulan.