Ku guuleystihii hore ee Ballon d’Or, Ruud Gullit, ayaa Real Madrid u doortay kooxda ugu cadcad ee ku guuleysan karta tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan xilli isbedel lagu sameeyay qaabka tartanka loo ciyaaro.
Xilli ciyaareedkan Champions League ayaa galay muuqaal cusub, waxaana ilaa hadda la arkay waxyaabo yaab leh oo ka dhacay tartanka.
Isagoo hadlayay ka hor kulanka Real Madrid ee Champions League caawa ku wajahayaan AC Milan, Gullit ayaa hoosta ka xariiqay in shaki badan uusan ka qabin in Real Madrid qaadi doonto Champions League ololahaan.
UCL ayaa ugu cadcad ayaa la weydiiyay? wuxuu ku jawaabay way adag tahay in la doorto kooxda ugu cadcad Champions League.
“Mar walba waan jeclaan lahay in ay qaado Bayern, laakiin Real Madrid waa tan ugu cadcad. Ha iloobin qibradooda tartanka” ayuu yiri!”
Real Madrid ayaa ku guuleysatay Champions League xilli ciyaareedkii hore ka dib markii ay finalka ku garaacday Borussia Dortmund, Sanadkaan ayay markale yihiin kuwo loo saadaalinayo.
Real Madrid waa kooxda ugu badan ee ku guuleysatay Championd League, waxay qaaday 15 jeer waana wax kabadan laba jibaar kooxda kusoo xigta.