Tababareyaasha Talyaanigu waxa ay ku suntan yihiin koobka ugu qiimaha badan Yurub ee Champions League oo tan iyo markii la bilaabay sannadkii 1955kii, ay ku guuleysteen 13 ka mid ah.
Wargeyska L’Equipe ayaa sabab u ahaa unkidda tartanka Champions League sannadkii 1955kii, waqtigaas oo markii ugu horreysay la ciyaaray tartankan, waxaana xilligaas loo yaqaanay European Champion Clubs’ Cup, hase yeeshee bilowgii ma jirin kooxo Ingiriis ah oo ka qayb galay.
Carlo Ancelotti ayaa ah tababaraha koobkii ugu dambeeyey gacanta ku dhigay ee dunida oo dhanna ugu koobabka badan marka laga eego Chapions League oo uu shan jeer ku guuleystay.
Koobkan oo 70 jirsaday, waxa ku guuleystay 43 tababare oo kala duwan oo tirada ugu badan uu haysto Carlo Ancelotti oo shan jeer oo uu qaaday saddex ka mid ah kula guuleystay Real Madrid, iyo labada kale oo uu la qaaday AC Milan.
Toddobada tababare ee Talyaania ah ee ku guuleystay Koobkan, waxa ugu horreeyey oo taariikhda koobkan isku qoray Nereo Rocco oo sannadihii 1963kii iyo 1969kii ku guuleystay, waxaana 1985kii raadkiisa qaaday Giovanni Trapattoni oo noqday tababarihii labaad ee Talyaani ah ee koobkan ku guuleystay.
Kaddib waxa soo galay Arrigo Sachi oo ah tababaraha seeska u dhigay guulaha AC Milan oo sannadihii 1989kii iyo 1990kii koobkan la qaaday AC Milan oo ciyaartoydii waqtigaas u dheelaysay uu ku jiray Carlo Ancelotti.
Halkan kaga bogo toddobada tababare ee Talyaaniga ah ee ku guuleystay Koobka Champions League
7. Roberto Di Matteo – 2012
6. Marcello Lippi – 1996
5. Fabio Capello – 1994
4. Giovanni Trapattoni -1985
3. Arrigo Sacchi – 1989 iyo 1990
2. Nereo Rocco – 1963 iyo 1969
1. Carlo Ancelotti – 2003, 2007, 2014, 2022 iyo 2024