Daafaca Manchester City Kyle Walker ayaa ku baaqay in wax badan la sameeyo si looga hortago xadgudubyada dhanka internetka ka dib markii uu soo bandhigay fariin xun oo cunsuri iyo hanjabaad ah oo uu helay ka dib guuldaradii 2-0 ee xalay kooxdiisa ka soo gaartay Juventus.
Walker ayaa dhamesystirtay kulankii Turin, laakiin waxa uu ka caawin waayay kooxda Pep Guardiola in ay iska ilaaliyaan guuldaradii todobaad 10-kii kulan ee uu ugu dambeeyay.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England Walker ayaa soo dhigay bartiisa fariin cunsurnimo iyo hanjabaad ah oo loogu soo diray Instagram-ka taasoo u qorneyd” waxaa tahay doqon dameer”
Qofna ma jecla in lagu xad-gudbo iyadoo loo adeegsanayo cunsuriyad iyo hanjabaad,” Walker ayaa ku soo qoray akoonnadiisa X iyo Instagram.
Instagram-ka waxaa looga baahan yahay inay joojiyaan dhacdooyinkaan marna aan la aqbali karin.
“Taageerayaasheena waxaan u shaqeyn doonaa koox ahaan si aan u sameyno wax wanagsan.
Man City ayaa si deg deg ah u cambaareysay weerarka cunsurinimada ah. War qoraal ah oo ay soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Manchester City waxay si xoogan u cambaareyneysaa cunsuriyadda uu Kyle Walker la kulmay.