Halyeygii xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa magacaabay xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Manchester City oo aan abid lagu arag isaga oo kale horyaalka Premier League, kaddib markii uu daawaday wacdaraha uu laacibkaasi ka samaynayo garoomada.
Ciyaartoygani ma aha Kevin de Bruyne, Erling Haaland, Rodri, Bernardo Silva, Phil Foden iyo xataa Doku iyo Julian Alvarez, laakiin waa laacib kale oo si adag u shaqeeya laakiin aanay shaqadiisu helin aqoonsiga ay haystaan ciyaartoyda kale ee kooxdaasi.
Manchester City oo Axaddii 3-1 ku garaacday deriskeeda Manchester United iyadoo laba ka mid ah goolashaas uu dhaliyey Phil Foden halka midka kalena uu dhamaadkii ciyaarta saxeexay Erling Haaland.
Jamie Carragher oo falanqeeye ka ahaa ciyaartaas, ayaa waxa uu la dhacay wacdarihii uu sameeyey xiddiga reer England ee John Stones oo khadka dhexe kala dheelayay Rodri, iyadoo hore looga soo riixay difaaca dhexe.
Jamie Carragher ayaa waxa uu sheegay, in aanu taariikhada horyaalka Premier League soo marin ciyaartoy sida John Stones oo kale ah oo khadka dhexe sida heerkaa u sarraysa uga dheeli karaya, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in aynu daawanayno wax aanan anigu waligay hore ugu arag kubadda cagta Ingiriiska.
“Waxa aan kubadda cagta daawanayey tan iyo badhtamihii 1980-meeyihii, waxaanan koray iyadoo difaaca uu Liveprool uga ciyaarayo Alan Hansen. Waxa kale oo aan xasuustaa daawashada Franco Baresi oo kubadda kuula imanaya, sidoo kale si qurux badan u daadahaynaya, waxaana isaga oo kubadda wata uu kasoo kaxaynayey difaaca. Rio Ferdinand ayaa ahaa difaac kale oo wanaagsan.
“Ciyaartoyga kaliya ee aan is-leeyahay waxa uu samayn karayaa wixii uu Mathias Sammer sameeyey Euro 96 waa John Stones. Waxa aan daawanayey Sammer oo ahaa xaaqaha Germany. Kaliya kuulama imanayn kubadda laakiin waxa u dheeraa orod.
“John Stones waxa uu ka ciyaarayaa difaaca sida ugu fiican, waa ciyaartoy hore usoo dhaqaaqaya isaga oo kubadda haysta oo goysmo samaynaya amaba noqonaya kubbad-burburiye khadka dhexe ah. John Stones waxa uu xataa noqon karaa No.10. Waligeen ma aynaan arag ciyaartoy isaga oo kale ah.”