Taageerayaasha Arsenal ayaa isla wada qaba hal arrin kadib guushii ay kooxdoodu ka gaartay PSV lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.
Kooxda Premier League ayaa si weyn uga awood badatay kooxda reer Netherlands iyadoo kooxda Mikel Arteta ay ku xasuuqday garoonka Philips Stadion.
Jurrien Timber ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal daqiiqadii 18-aad ka hor inta uusan Ethan Nwaneri, oo caawin ka helay Myles Lewis-Skelly, dhalinin goolka labaad seddex daqiiqo kadib.
Daqiiqadii 31-aad, Arsenal ayaa durba ku socotay guul raaxo leh markii Mikel Merino uu dhaliyay goolka seddexaad, balse Noa Lang ayaa rigoore u dhaliyay goolka qura ee PSV daqiiqadii 43-aad.
Laakiin qeybtii labaad ayaa markale lagu arkay Arsenal oo qaab ciyaareedkeedii caadiga ahaa ku soo laabatay, iyadoo Martin Odegaard uu soo celiyay hogaanka saddexda gool ah ee kooxda Premier League.
Leandro Trossard iyo markale Odegaard ayaa sii kordhiyay goolasha, ka hor inta uusan Riccardo Calafiori dhalinin goolkii toddobaad ee Arsenal iyo kii ugu dambeeyay habeenkaas.
Laakiin inta badan taageerayaasha ayaa arkay wax xiiso leh oo ku saabsan ciyaarta.
Taageerayaal badan oo Arsenal ah ayaa rumeysan in Arteta uu adeegsaday xeelad aan caadi ahayn oo uu hore ugu kaftamay dhowr toddobaad ka hor.
Kahor guushii 2-0 ee Arsenal ay ka gaartay Leicester bishii Febraayo 15, Arteta ayaa la hadlay daaficii hore ee Arsenal, Martin Keown, kaasoo ku maadsaday in Calafiori loo isticmaali karo weeraryahan ku-meel-gaar ah kadib markii uu goolal ka dhaliyay kooxaha Man City iyo Wolves xilli ciyaareedkan.
“Waxa la sameeyay horay waad u ogtahay,” ayuu Arteta ku kaftamay isagoo la hadlayay TNT Sports. “Daafacyadu waxay leeyihiin awoodda ay khatar ku noqon karaan, gaar ahaan marka laga hadlayo ciyaaraha kooxaha daafaca adag leh, waa ikhtiyaar aan haysanno.”
Taageerayaasha baraha bulshada ayaa falcelin kala duwan bixiyay iyagoo leh Arteta ayaa u adeegsaday daafaca reer Talyaani sida weeraryahan.
Mid ayaa yiri: “Waxaan leenahay weeraryahanno u ciyaaraya sida daafacyo. Bal eeg sida uu u dhammeystiray goolka Riccardo Calafiori.”
Mid kale ayaa ku daray: “Calafiori wuxuu khatar badan ku yahay goolka marka loo eego Sterling qeybta ugu dambeysa ee garoonka, lol gool noocee ah.”
Halka mid saddexaad uu yiri: “Sideen kuugu sharraxaa in Calafiori dhab ahaantii uu u ciyaaro sida weeraryahan oo kale ee uusan ahayn daafac?”
Kadib guusha, kabtanka Arsenal Odegaard ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay bandhigga kooxdiisa.
“Waan ku raaxeystay kulankaas,” ayuu u sheegay UEFA. “Marka aad ciyaareyso heerkan, waxay had iyo jeer tahay mid adag, gaar ahaan marka aad marti tahay, sidaas darteed waxaan qabaa inaan si heer sare ah u ciyaarnay si aan u helno natiijo sidan oo kale ah.
“Waa mid adag in la sharraxo laakiin waxaan qabaa inaan si adag ugu shaqeynay inaan horumarino kadib labadii kulan ee lasoo dhaafay. Maanta waxaan aragnay waxa aan awoodno inaan sameyno waxaana rajeyneynaa inaan sidaas ku sii soconno.”
Dhanka kale, tababaraha Arsenal Arteta, oo 42 jir ah, ayaa isna bixiyay fikirkiisa ku saabsan guushaas weyn.