Jose Mourinho ayaa maanta laga caydhiyey kooxda kubadda cagta AS Roma oo uu ku dhowaad saddex sannadood taabare usoo ahaa, iyadoo loo magacaabay bishii May 2021, waxaase saacado kaddib markii uu soo baxay warkar lagaga eryey kooxda Talyaanigu soo baxaya magacyada kooxo uu durba tegi karayo.
Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho oo ka mid ah macallimiinta ugu guulaha badan kubadda cagta, ayaa waxa looga gacan haadinayaa horyaalka waddanka Sucuudiga oo la sheegay in laga doonayo.
Roma ayaa waxay u badan tahay inay beddelka Mourinho u magacowdo kabtankeedii hore ee Daniele De Rossi oo safka hore kaga jira murashaxiinta, halka Mourinho oo sannadkii 2022 u qaaday European Conference League uu dhawaan shaacin doono mustaqbalkiisa.
Hadda oo uu xor yahay Mourinho, waxa soo baxaya magacyada lix waddan oo uu tegi karayo, balse Sky Bet ayaa qiimayn uu sameeyey waxa uu ku sheegay in Jose Mourinho uu ka degi doono horyaalka waddanka Sucuudiga oo ay dhawr kooxood doonayaan.
Waxa kale oo suurtogal ah inuu noqdo tababaraha xulka qaranka Portugal, ama horyaalka waddanka Maraykanka, sidoo kalese horyaalka Premier League ayaa uu kusoo laaban karaa iyadoo Newcastle ay suurtogal tahay in loo magacaabo.
Waa kuwan meelaha lala xidhiidhinayo Jose Mourinho iyo qiimayntoodu:
Any Saudi Pro League team – 3/1
Portugal national team – 4/1
Any MLS team – 5/1
Newcastle United – 7/1
FC Porto 7/1
England national team 12/1