Maamulka Liverpool ayaa dooranaya badalka ku haboon ee daafaca reer Holland Virgil van Dijk oo aan wali la go’aansan mustaqbalkiisa kooxda.
Liverpool waxay rabtaa inay soo iibsato daafac cusub oo hogaamin kara daafaca dhexe ee kooxda Ingariiska xilli ciyaareedka soo socda haddii Van Dijk uu baxo.
Sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska reer Catalan ee Mundo Deportivo, Liverpool ayaa indhaha ku haysa da’yarka daafaca dhexe ee France Loic Badé oo hadda ka ciyaara Sevilla.
Wararka ayaa sheegaya in Sevilla aysan ogolaan doonin qiimo ka yar 20 milyan oo euro inay ku iibiso ciyaaryahankan da’da yar.
Loïc Badé waxa uu hore uga qayb ahaa kooxda Olympic-da France oo gaadhay finalka tartanka kubadda cagta ee ciyaaraha Olombikada.
Loïc Badé waa 24 jir, wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista daafaca dhexe.Heshiiska uu kula jiro Sevilla waxa uu dhacayaa sanadka 2029.