Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa diyaar u ah inay qaab-dhismeedkeeda mushaharka u burburiso xiddig ka tirsan kooxdaas oo ay doonayaan inay ku qanciyaan inuu saxeexo heshiis cusub oo Anfield kusii haya sannadaha soo socda.
Liverpool oo horraantiis annadkan 2024 uu tababare Jurgen Klopp kaga nixiyey go’aan ah inuu ka tegayo dhamaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa ay maamulka kooxdu ka baqayaan inuu saamayn ku yeesho mustaqbalka ciyaartoyda qaarkood.
Tababaraha reer Germany oo dibu-dhis ku sameeyey kooxda xagaagii tegay, isla markaana keenay Alexis Mac Allister, Dominik Szoboszlai, Wataru Endo iyo Ryan Gravenberch iyadoo aan la tebin bixitaankii Fabinho, Jordan Henderson iyo Naby Keita, ayaa waxa ay kooxdiisu mar horeba ku guuleysatay Carabao Cup, halka ay hoggaaminayaan horyaalka Premier League, sidoo kalena ay hormood u yihiin kooxaha usoo gudbay wareega siddeedda Europa League.
Liverpool ayaa haysata tiro ciyaartooyo uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraasyadooda, waxaana ka mid ah Mohamed Salah oo ay kooxaha Sucuudigu ku doonayaan £150 milyan oo Gini, Virgil van Dijk iyo Trent Alexander-Arnold, waxaana saddexdoodaba ay qandaraasyadoodu ku egyihiin xagaaga 2025.
Difaaca midig ee reer England ee Alexander-Arnold oo kasoo kabanaya dhaawac uu ku maqnaa dhawr usbuuc ayaa waxa lala xidhiidhinayaa Real Madrid oo uu kasii gaboobayo Dani Carvajal oo hadda ah 32 jir, waxaana ay Alexander-Arnold u calaamadsadeen beddelkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa waxa ay heshiisyo cusub u bandhigaysaa Van Dijk, Alexander-Arnold iyo Mohamed Salah, balse Van Dijk ayaa ay kooxdu ka dhigaysaa ciyaartoyga ugu mushaharka badan naadiga isaga oo la gaadhsiinayo Mohamed Salah amaba la dhaafin doono.
Alexander-Arnold oo sidoo kale qaata £180,000 Gini toddobaadkii, ayaa waxa ay Liverpool si weyn sare ugu qaadi doontaa mushaharkiisa, waxaana la gaadhsiin doonaa Van Dijk iyo Mohamed Salah oo ay figta sare ku midoobi doonaan.